Khayre oo ka cudurdaartey weerarkii guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii 19aad ee Soomaaliya ahna musharax madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa raali galin ka bixiyey weerarkii lagu qaadey hoyga musharax Cabdiraxman Cabdishakuur 17 December, 2017.

Qoraalkaan raali galinta ah ayaa yimid xilli la filayo maalinta berri ah in shirweyne uga furmo Muqdisho musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya doorashooyinka loo madalsan yahay horaanta 2020 iyo dhamaadka 2021-ka.

"Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay," ayuu soo qoray Khayre.

Khayre ayaa qoraalkiisa wuxuu kusoo gabagabeeyay: "Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa".

Weerarka lagu ekeeyay guriga hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac si lamid ah waxaa la sheegay in uu ka dhashay burbur iyo boob hanti xisbiga uu lahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin sababta loo beegsaday guriga siyaasiga marka laga reebo in xubnaha taageereysan ay baraha bulshadda ku faafiyeen in lagu abaabulayay "falal qaran dumisnimo ah".

Warsame oo soo dhaweeyay cudurdaarka uu bixiyey Khayre ayaa madaxda kale ee waddanka ugu baaqay in ay raacaan dhabaha uu maray Ra'iisul Wasaarihii hore ee waddanka.

"Waxaa caawa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raalli gelin ka bixiyey weerarkii 17-kii Dec 2017. Waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta kale ee dowladda ee weerarka ku lug lahaa in ay fursaddan oo kale weli u furan tahay," ayuu Warsame soo qoray

Dhanka kale, Khayre oo Jimcadii lagu soo dhaweeyay magaaladda Muqdisho ayaa isla xalay wuxuu kulan hooyasho ah uu gurigooda ugu tegay madaxweneyaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Tani ayaa kusoo hagaageysa xilli warar soo baxaya ay sheegayaan in madaxda Madasha Xisbiyadda Qaran ay ku adkeysteen in Khayre uusan ka qeybgeli karin shirka murashaxiinta kahor inta uusan cudurdaar ka bixin "gefafkii hore".

Shirweynaha murashaxiinta ayaa la rajeynayaa in loog dhawaaqo Gole ay ku mideysan yihiin kaasoo si dhow ula soconaya arrimaha doorashooyinka isla markaana kasoo saaraya go'aano ay ku mideysan yihiin tartameyaasha badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Agaasimaha CIA-da Mareykanka oo safar qarsoodi ah ku tagey Muqdisho

Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay bishii Oktoobar markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku biiray shir madaxeedkii Asmara.

  • Soomaliya

    01-11-2024

  • 01:54PM

Golaha Wasiirada oo ansixiyey heshiisyo lala galay Qadar iyo Shiinaha

Shirka waxaa guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    31-10-2024

  • 10:05AM