Khayre oo dalab hordhigay safiiro uu kula kulmay Dhuusamareeb

Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Dhuusamareeb kula kulmay safiirrada saldhiggoodu yahay Muqdisho iyo wakiilladaha hay’adaha caalamiga ah oo maanta magaalada soo gaaray.

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay "dadaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee lagu dhisaayo Galmudug loo dhanyahay oo qeyb ka qaadata horumarinta dalka".

Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay "dadaalladiisa dhismaha hey’adaha Galmudug, qarameynta ciidamada deegaanka iyo isu diyaarinta xoreynta degaanada ay Al-Shabaab haysato".

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubna ka tiran xukuumadda oo ay kamid yihiin wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga gudaha iyo sidoo kale madaxa fulinta dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta kulanka uu la qaatay uga warbixiyay heerarka kala duwan ee ay soo mareen dadaallada lagu dhisayo Galmudug.

Sidda ku cad qoraal xafiiska Khayre kasoo baxay, wuxuu ka codsaday in ay kordhiyaan taageeradooda iyo garab istaagga Soomaaliya si guul wax ku ool ah looga gaaro dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Mas’uuliyiinta beesha caalamaka ee Ra'iisul Wasaaraha kulanka la qaatay waxaa kamid ahaa wakiillada Qarmada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya

Khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maalintii 29-aad deegaannada Galmudug ugu sugan dhismaha Galmudug sal adag, loo dhanyahay oo xariir dhawna la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM