Khayre oo dalab hordhigay safiiro uu kula kulmay Dhuusamareeb

Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Dhuusamareeb kula kulmay safiirrada saldhiggoodu yahay Muqdisho iyo wakiilladaha hay’adaha caalamiga ah oo maanta magaalada soo gaaray.

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay "dadaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee lagu dhisaayo Galmudug loo dhanyahay oo qeyb ka qaadata horumarinta dalka".

Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay "dadaalladiisa dhismaha hey’adaha Galmudug, qarameynta ciidamada deegaanka iyo isu diyaarinta xoreynta degaanada ay Al-Shabaab haysato".

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubna ka tiran xukuumadda oo ay kamid yihiin wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga gudaha iyo sidoo kale madaxa fulinta dowlad gobaleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta kulanka uu la qaatay uga warbixiyay heerarka kala duwan ee ay soo mareen dadaallada lagu dhisayo Galmudug.

Sidda ku cad qoraal xafiiska Khayre kasoo baxay, wuxuu ka codsaday in ay kordhiyaan taageeradooda iyo garab istaagga Soomaaliya si guul wax ku ool ah looga gaaro dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

Mas’uuliyiinta beesha caalamaka ee Ra'iisul Wasaaraha kulanka la qaatay waxaa kamid ahaa wakiillada Qarmada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya

Khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maalintii 29-aad deegaannada Galmudug ugu sugan dhismaha Galmudug sal adag, loo dhanyahay oo xariir dhawna la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM