Khayre oo Dhuusamareeb kula kulmay hogaanka Ahlu Sunna

Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Ra'iisul Wasaare Khayre oo socdaal ku joogo Dhuusamareeb ayaa maanta oo Talaado ah wuxuu la kulmay hogaanka Ahlu Sunna iyo madaxa xukuumada Galmudug.

Wasiirka koowaad ee dowladda federaalka ah ayaa Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Macalim Maxamuud Sheekh Xasan ku qaabilay hoyga uu ka degan yahay xarunta rasmiga ah ee maamulkaasi.

Xafiiska Khayre oo warkaan baahiyey ayaa waxa uusan u soo bandhigin saxaafada qodobadda lagu falanqeeyay shirka ay dhinacyadan yeesheen kaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen xubno kale.

Balse illo ku dhadhow ayaa u dusiyey war-fidiyeenka ah in looga arrin-sadey arrimo ay kamid tahay xasaradaha siyaasadeed ee jira iyo qabsoomida doorashada Galmudug.

Madaxtooyadda ayaa heshiis qarsoodi ah waxay ka gashay Ahlu Sunna taasi oo dhalisay in madaxweyne Xaaf uu ka huleelo Dhuusamareeb wallow uu shaaciyey in la xaliyey khilaafkii jiray.

Cod-bixinta lagu dooranayo hogaamiyaha xiga ee Galmudug iyo Golaha Wakiilada ayaa waxaa loo mudeeyay in ay qabsoonto 4-ta bisha Julaayo ee sanadkan 2019, sida ay dhinacyaddu ic-laamiyeen.

Villa Soomaaliya oo ku eedeysan in ay farogelin ku hayso arrimaha gudaha Galmudug ayaa dooneysa in coddeyntaasi uu kusoo baxo siyaasi daacad u ah, si lamid ah maamulka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM