Khayre oo ka hadlay qaraxii Muqdisho iyo Khasaaraha oo kordhay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u direy ehellada askartii naftooda ku wayday weerarkii saakay ka dhacay xarunta Akaadeemiyada Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaacambaareeyay qaraxa, wuxuuna ku tilmaamay mid naf la caari ah oo kooxaha nabadda ka soo horjeeda ku bartilmaameed sadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Booliska.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehellada askatii shahiiday, waxaana leeyahay allaha u naxariisto inta dhaawaca ahna waxaan u rajaynayaa inay ka soo kabtaan dhaawacan, Dawladduna xil ayay iska saari doontaa daryeelka kuwa dhaawacmay, waxaa kaloo ay dawladdu damaanad qaadaysaa gacan siinta qoysaska ay ka shihiideen askatu.”Ayuu yiri RW Khayre.

Mudane Khayre ayaa xusay in weerarkan uusan marnaba ka weecin doonin dadaalka loogu jiro dib-u-dhiska Soomaaliya xasilloon oo sharcigu sareeyo si dadkeenu nabad iyo cizi ugu noolaadaan.

Dhanka kale, Taliyaha ciidamada Booliska Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa xaqiijiyay in tirada dhimashada ay gaartay 18 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 15 kale.

Al Shabaab ayaa sheegtay dhankeeda inay 27 Askari oo Boolis ah ku dishay weerarka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM