Khayre oo ka hadlay shilka diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa ka hadlay shilka diyaaradeed ee ka dhacay duleedka caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, subaxnimadii Axada maanta ah.

Dhacdadaan oo ay ku lug-yeelatay diyaarad ay lahayd shirkada Ethiopian Airlines taasoo kusii jeeday magaaladda Nairobi ee xarunta wadanka Kenya ayaa waxaa ku dhintay 157 ruux.

Sideed kamid ah dadka ku naf-waayey musiibadaan ayaa kamid ahaa howlwadeenadda diyaarada, iyada oo ay wehliyaan duuliyeyaashii.

"Aad ayaan uga naxnay musiibada ay gashay diyaarada rakaabka ee Ethiopian Airlines..dareenkeena iyo ducadeenu waxay la jiraan qoyska laga baxay," ayuu Khayre ku yiri qoral uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Dadka shilkaan ku geeriyooday waxaa ku jira nin Soomaali ah, oo uu magaciisu yahay Cabdishakuur Maxamed Shahaad, kaasoo kamid ahaa qeybta baratakoolka xafiiska Khayre.

Ra'iisul Wasaaraha oo xaqiijiyay geerida mas'uulkaan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Marxuumka.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo dhammaan bahda xafiiskiisa waxay tacsi u dirayaan eheladii uu ka baxay marxuum Cabdishakuur Maxamed Shahaad oo kamid ahaa howlwadeennada xafiiska RW. Marxuumku waxa uu kamid ahaa dadkii ku geeriyooday diyaaradda [Ethiopian Airlines] @flyethiopian ee maanta dhacday," ayuu raaciyay.

Marxuum Shudaad Cabdishakuur oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa wuxuu ahaa sarkaal dhinaca Hab-maamuuska u qaabilsanaa xafiiska ra'iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre.

HOOS KA AKHRISO LIISKA DALALKA DADKA SHILKA KU DHINTAY

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM