​Khayre oo ka hadlay xiriirka wada-shaqayneed ee kala dhaxeeya Farmaajo

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’isal wasaaraha dowladda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa wax laga weydiiyay xiriika iminka ee uu la leeyahay Madaxweyne Farmaajo oo xilka haya tan iyo horaantii bishii Febraayo.

Isagoo marti ku ahaa Barnaamijka todobaad-laha ah ee ka baxay SNTV, wuxuu sheegay inuu yahay boqolkiiba boqol mid wanaagsan maadama labadooduba yihiin dad doonaya hormarka dalka islamarkaana meel iska dhigay danahooda gaarka ah.

Ra’isal wasaaraha ayaa carrabka ku dhuftay in labadooduba yihiin kuwo raadinaya midnimada umadda Somaliyeed islamarkaana hishiis ku ah in loo shaqeeyo dalka, wuxuuna xusay inuusan ka cabsi qabin wax mugdi ah oo imaan kara.

Waqtigii la magacaabay Ra’isal wasaaraha Somalia, ayaa Madaxweyne Farmaajo wasiirka koowaad ee xukuumadda dalka ku tilmaamay inuu yahay shakhsiga kaliya ee la shaqayn kara islamarkaana ay isku fikirka yihiin.

Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale sheegay in maamullada ka jira dalka Somalia laleeyihiin xiriir dhow, islamarkaana uu kala dhaxeeyo iskaashi ah sidii dib-u-hishiisiinta looga shaqayn lahaa, wuxuuna xusay inuusan jirin wax khilaaf ah oo ka dhaxeeya shacabka markaga laga yimaado siyaasiyiinta sida uu hadalka u dhigay.

RW Khayre, ayaa bulshada uga baaqay inay ka qayb qaataan sidii waddanka dib u dhiskiiga loogu istaagi lahaa, isagoo soo jeediyay in markasta laga fogaado waxyaabaha keeni kara dib u dhaca.

Waraysi ku baxay Barnaamijkan ayuu sidoo kale Xasan Cali Khayre uga hadlay, wax-qabadka xukuumadiisa, abaaraha iyo arrimo kale oo ku saabsan xaaladda Somalia.

Inta badan xukuumadihii soo maray dalka Somalia, ayaa waxaa hareeyay khilaafaad soo kala dhexgalay madaxdii dalka ugu saraysay taasoo keentay in xilalka laga xayuubiyo Ra’isal wasaaraha kadib markii mooshin laga keenay, taasoo ay ugu dambaysay dowladdii Xasan Sheekh oo yeelatay ilaa saddex RW.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda oo Ciidamo diyaarado ku geysay Gedo Iyadoo Xiisad Ka Taagan Tahay Balad Xaawo

Isu-soo-baxa ciidamada labada dhinac ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in dagaallo kale oo hor leh ay ka qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:59AM

Al-Shabaab oo Weerarro Ku Qaaday Saldhigyo Militari oo Ku Dhow Muqdisho

Dowladda Federaalka iyo howlgalka Midowga Afrika ee ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah uga hadlin weerarradan Jimcaha Maanta ah dhacay.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:37AM