Khayre oo ka tacsiyeeyay wasiir hore oo ku dhintay qaraxii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxii maanta ka dhacay magaaladda Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Madaxtooyadda.

Sidda ay sheegeen saraakiisha amaanka, qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari walxo qarxa lagu soo rakibay, kaasi oo jugtiisa si wayn looga maqlay qaybo kamida caasimadda.

Ugu yaraan 20 ruux oo uu ku jiro mas'uul horey, saraakiil ciidan iyo askar oo ay wehliyaan shacab ayaa ku geeriyootay weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Xasan Cali Khayre oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa tacsi tiiraanyo leh wuxuu u diray ehelada dadka dhintay si gaar ah qoyska uu ka baxay Xuseen Ceelaabe Faahiye.

"Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo ehelkii uu ka baxay Wasiir hore Xuseen Ceelaabe Faahiye oo maanta innaga shahiiday. Waxa uu muddo dheer u soo adeegay dalka iyo dadka. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo," ayuu yiri

Marxuum Faahiye ayaa dowladii ku meel gaarka ee Cabdullaahi Yuusuf ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada xili xukuumadii ra'iisul wasaare Nuur Cadde uu ka qabtay xilka Wasiirka Qorsheynta.

Weerarkaan ayaa imaanaya xili amniga uu safka hore uga jiro arrimaha ay ku guuldareystay in ay wax muuqda ka qabato xukuumada Khayre oo in ka badan laba shaqeynaysa.

Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay dhowaan soo saartay waxay walwal uga muujisay amni darada sii baaheysa xili ay sheegtay in ay halis ku tahay horumarada laga sameeyay dowlad-dhisida Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM