Khayre oo ka warbixiyay kulan uu la qaatey Uhuru [Sawirro]

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Ra'iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa shalay oo Talaado ahayd kulan kula qaatey Madaxtooyadda Kenya, Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Twitter-ka Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Khayre iyo Uhuru ay kawada hadleen xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii looga ciribtiri lahaa guud ahaan gobolka.

Waxay sidoo kale labada mas'uul isla soo qaadeen muhiimadda ay leedahay iskaashi dhexmara dalalka Geeska Africa, oo amnigooda ay khal-khal ku hayso Kooxda Al-Shaabaab.

 
 
Ra'iisul Wasaare Khayre oo booqasho labo maalmood qaadatey ku tagey Kenya kadib weerarkii Dusit D2 hotel ee magaalada Nairobi kaasi oo hubkii Al-Shabaab u adeegsatay qaar ay lahayd dowladda Federaalka ah ee Somalia.
 
Kenya ayaa wajaysa culeysyo dhanka amniga iyadoo ay Al-Shabaab ka fulisay dalkan weeraro dhimasho badan sababay oo ay kamid ahaayeen kuwii Westgate Mall 2013 iyo Jaamacadda Garissa 2015.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM