Khayre oo ka warbixiyay kulan uu la qaatey Uhuru [Sawirro]

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Ra'iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa shalay oo Talaado ahayd kulan kula qaatey Madaxtooyadda Kenya, Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Twitter-ka Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Khayre iyo Uhuru ay kawada hadleen xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii looga ciribtiri lahaa guud ahaan gobolka.

Waxay sidoo kale labada mas'uul isla soo qaadeen muhiimadda ay leedahay iskaashi dhexmara dalalka Geeska Africa, oo amnigooda ay khal-khal ku hayso Kooxda Al-Shaabaab.

 
 
Ra'iisul Wasaare Khayre oo booqasho labo maalmood qaadatey ku tagey Kenya kadib weerarkii Dusit D2 hotel ee magaalada Nairobi kaasi oo hubkii Al-Shabaab u adeegsatay qaar ay lahayd dowladda Federaalka ah ee Somalia.
 
Kenya ayaa wajaysa culeysyo dhanka amniga iyadoo ay Al-Shabaab ka fulisay dalkan weeraro dhimasho badan sababay oo ay kamid ahaayeen kuwii Westgate Mall 2013 iyo Jaamacadda Garissa 2015.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM