Khayre oo ku wajahan Kismaayo, Wafdi iyo ilaaladiisa oo kahor maray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadaa in maalin berri ah markii ugu horeysay booqasho ku tago magaaladda Kismaayo, ee xarunata KMG ee maamulka Jubbaland.

Wafdi ka socda xafiiskiisa Ra'iisul Wasaaraha iyo ciidamo gaar ah, ayaa maanta si hordhac ah u tagey magaaladda xeebta ku taalla, halkaasi oo la filayo inuu Khayre kula kulmo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Illo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in ujeedka socdaalka Khayre ee Kismaayo inuu la xiriiro xal u helidda khilaafka Jubbaland iyo Villa Somalia, iyadoo wadahadallo arrimahan ku saabsan ay socdaan tan iyo January.

Agaasiimihii hore ee Madaxtooyadda, haatanna ah Taliye ku xigeenka NISA, Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inuu kasoo shaqeeyay heshiiska Jubbaland iyo dowladda, isagoo kulamo qarsoodi ah Nairobi kula qaatey dhawaan xubno matelaya Axmed Madoobe. [Halkan ka akhri warka[.

Fahad Yaasiin, oo ah gacanta midiga ee Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka yahay khilaafka siyaasadeed ee Villa Somalia iyo maamul Goboleeydada, isagoo doonaya in la rido hogaamiyeyaasha mucaaradka ku ah DF.

Safarka Khayre ayaanan la ogeyn inuu soo afjari doono khilaafka ba'an ee u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Xukuumadiisa, oo lagu eedeeyay inay diyaarinayo musharaxiin ay ku taageerayso inay ku guuleystaan doorashadda sanadkan ee Jubbaland.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku sameysay doorashadii maamulka Koonfur Galbeed ka dhacay December, 2018, taasoo uu kusoo baxay Musharixii ay wadatey, C/casiis Lafta-Gareen.

Laakiin, waxay ku fashilantay isku day ay ku dooneysay inay ku farageliso doorashaddii Puntland ka qabsoontay January 8, kadib markii laga hortagay oo loo diiday mas'uuliyiin ka socotay dowladda federaalka inay tagaan Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM