Khayre oo ku wajahan Kismaayo, Wafdi iyo ilaaladiisa oo kahor maray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadaa in maalin berri ah markii ugu horeysay booqasho ku tago magaaladda Kismaayo, ee xarunata KMG ee maamulka Jubbaland.

Wafdi ka socda xafiiskiisa Ra'iisul Wasaaraha iyo ciidamo gaar ah, ayaa maanta si hordhac ah u tagey magaaladda xeebta ku taalla, halkaasi oo la filayo inuu Khayre kula kulmo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Illo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in ujeedka socdaalka Khayre ee Kismaayo inuu la xiriiro xal u helidda khilaafka Jubbaland iyo Villa Somalia, iyadoo wadahadallo arrimahan ku saabsan ay socdaan tan iyo January.

Agaasiimihii hore ee Madaxtooyadda, haatanna ah Taliye ku xigeenka NISA, Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inuu kasoo shaqeeyay heshiiska Jubbaland iyo dowladda, isagoo kulamo qarsoodi ah Nairobi kula qaatey dhawaan xubno matelaya Axmed Madoobe. [Halkan ka akhri warka[.

Fahad Yaasiin, oo ah gacanta midiga ee Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka yahay khilaafka siyaasadeed ee Villa Somalia iyo maamul Goboleeydada, isagoo doonaya in la rido hogaamiyeyaasha mucaaradka ku ah DF.

Safarka Khayre ayaanan la ogeyn inuu soo afjari doono khilaafka ba'an ee u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo Xukuumadiisa, oo lagu eedeeyay inay diyaarinayo musharaxiin ay ku taageerayso inay ku guuleystaan doorashadda sanadkan ee Jubbaland.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku sameysay doorashadii maamulka Koonfur Galbeed ka dhacay December, 2018, taasoo uu kusoo baxay Musharixii ay wadatey, C/casiis Lafta-Gareen.

Laakiin, waxay ku fashilantay isku day ay ku dooneysay inay ku farageliso doorashaddii Puntland ka qabsoontay January 8, kadib markii laga hortagay oo loo diiday mas'uuliyiin ka socotay dowladda federaalka inay tagaan Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM