Khayre oo la kulmay ku xigeenka madaxa Bankiga Aduunka ee Afrika

Image
Image
Image

WASHINGTON, US – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulankii ugu horeeyay la yeeshay ku xigeenka madaxwaynaha Bankiga Aduunka ee Afrika.

Xasan Cali Khayre iyo Hafez Ghanem ayaa waxaa wadahadalkooda ku wehliyay mas'uuliyiin ka kala socday labada dhinac.

War qoraal ah oo lasoo bandhigay barta Twitter-ka ee wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa lagu fahfahaahiyay waxa shirka looga hadlay.

Sida laga soo xigtay warkaasi, Khayre iyo Chanem ayaa ugu horeyn kawada xaajooday dib u habayta dowlada iyo cafinta deymaha.

"Waxaan kulan miro dhal leh kula qaatay Washinton, Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka Hafez Ghanim oo aan ka wada hadalnay habsami u socodka barnaamijka deyn cafinta dalkeena iyo dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee hay'adaheedda dowliga a," ayuu yiri Khayre.

Soomaaliya ayaa haatan lagu leeyahay 4 bilyan oo dollar-ka Mareykanka ah, taasi oo ay qaateen xukuumadihii talada isaga kala dambeeyay.

"Iyo fursadaha horyaala Soomaaliya," ayaa laga soo xigtay qoraalka, oo xog intaasi dhaafsan aanan lagu soo qaadin.

Socdaalka Khayre ee Mareykanka oo qaadan doona maalmo ayaa la filayaa in uu kulamo kale la yeesho mas'uuliyiin sare oo kamid ah maamulka Trump iyo dalalka taageera dowlada federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM