Khayre oo la kulmay la taliyaha amniga qaranka Mareykanka

Image
Image

WASHINGTON, US – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada caasimada ah ee Washington kulan kula qaatay la taliyaha amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton.

Khayre iyo Bolton ayaa ka wada hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneysay soo kabashada dhaqaalaha, dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo sida uu Mareykanku u joogtaynayo taageerada Soomaaliya la dagaallanka argagixisada.

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa uga mahadceliyay John Bolton soo dhaweynta diirran ee uu ugu sameeyay aqalka cad iyo wadhadallada miro dhalka ah ee ay wada yeesheen.

John Bolton oo ah ninka ugu sareeya dowlada Mareykanka ayaa aad ugu dhow Madaxwayne Donald Trump, kaasi oo horey ugu amray ciidamada dalkaasi ka jooga Soomaaliya ay kordhiyaan duqeymaha.

Dhanka kale, ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington waxa uu kulan kula qaatay madaxweynaha cusub ee Bangiga Adduunka, David Malpass.

Khayre iyo Malpass ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta uu bangiga adduunku ka geysanayo.

Kulanka ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayo madaxda bangiga adduunka, hay’adda lacagta dunida ee IMF iyo hay’adaha maaliyadda adduunka ee Washington ku kulansan Gugan.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa qeyb ka ahaa mas’uuliyiinta hay’adaha maaliyadda dalka sida Guddoomiyaha cusub ee bangiga dhexe, Hanti-dhowraha Qaranka iyo Wasiirrada maaliyada iyo qorsheynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM