Mareeye oo loo magacaabay wasiirka cusub ee Warfaafinta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa saacado kadib magacaabay wasiirka cusub ee wasaarada warfaafinta kadib is-casilaadii Daahir Maxamuud Geelle.

Khayre ayaa bedelka Geelle ka dhigay Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye], sidda ku cad digreeto kasoo baxday xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah.

Maareeye, oo xilal kala duwan oo kasoo qabtay Laamihii Fulinta ee dalka soo maray ayaa kahor jagadaan cusub waxa uu ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshahada.

Xilka uu faarujiyay Maxamed Cabdi, oo sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa loo xushay in uu buuxiyo Cabdullaahi Cali Xasan.

Marka loo eego qaabka degdeg ah ee magacaabista, tani ayaa muujineysa in Khayre uu ka war-qabay is-casilaada Geelle, oo sidoo kale horey u soo noqday safiirka dalka u fadhiyay Sacuudiga.

Geelle ayaa sababta uu shaqada uga tegay waxa uu ku sheegay kala aragti duwanaanshiyo soo kala dhex-gashay isaga iyo madaxda dowlada federaalka ah gaar ahaan arrimaha gudaha, dibadda iyo xiriirka maamuladda.

Waa wasiirkii Shanaad oo iska casila Golaha Wasiirada ee uu hogaamiyo ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre tan iyo markii xafiiska yimaadeen horaantii sanadkii 2017-kii.

Maryam Qaasim, wasiirkii Gargaarka iyo Ka hor-tagga Musiibooyinka ayaa xafiiska u baneysay "farogelin lagu sameeyay shaqadeeda iyo isku dhex-yaac ka dhex jirta hay'addaha dowlada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM