Khayre oo maqaal uu qoray kaga hadlay arrimo xasaasi ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa markii ugu horeysay qorey maqaal dheer oo uu cinwaan uga dhigay "Dabeysha Isbedelka ee Geeska Africa waxay Soomaaliya u furtay Ganacsiga."

Maqaalka oo ku qoran Luuqadda Ingiriiska ayaa lagu daabacey Wargeyska Daily Nation oo kasoo baxay wadanka Kenya, waxaana uu uga hadlay arrimo badan oo dalka khuseeya.

- Isbedalada gobolka -

Khayre ayaa cod dheer ku sheegay in faa'idada Soomaaliya ugu jirta isbedalada gobolka ka dhacaya ay tahay inay hesho suuq ganacsi, taasoo ay ka faa'ideystaan guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Dadaalada dib loogu soo celinayo cilaaqaadka Jabuuti iyo Eritrea ayaa shaaca ka qaaday inay Soomaaliya ku leedahay kaalin wayn, wuxuuna rajo fiican ka muujiyay inay noqdaan kuwa miradhal noqda.

Jabuuti iyo Eritrea oo dhowaan kala saxiixday heshiis ay dib boorka uga jafayaan cilaaqadkooda ayaa waxay isku hayeen Dhul ku yaala Sohdinta ay labadda wadaagan, xili heshiisiintooda ay ku fashilmeen dowlado badan.

- Amniga -

Amniga wuxuu kamid yahay cabaqadaha ugu waa wayn ee horyaala xukuumadda Khayre, isaga oo arrintaasi si gaar ah udul-istaagay wuxuu tibaaxay inay ka sameysay dowladiisa horumaro kala duwan.

Olalaha ay ku dhawaaqday DFS oo ay inay isa soo dhiibaan hogaamiyaasha Al-Shabaab ayaa si xoogan u amaanay, isaga oo carabka ku dhuftay inay ka qayb qaadaneyso nabad-gelyadda dalka.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku nuux-nuux saday inay sii wadi doonan olalahaan, isagoo ugu baaqay dhalinyaradda, hogaamiyaasha iyo xubnaha la shaqeeya Al-Shabaab inay isku soo gacan-geliyaan dowladda.

- Jamaacadda Carabta -

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gudbisa codsi ah inay la wareegto shir-gudoonka Ururka Jamaacadda Carabta, kaasoo ay ku midaysan yihiin dhamaan wadamada Carbeed.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaya ayaa wuxuu tibaaxay Khayre inay tahay mid muujineysa sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay inay soo jiidato maal-gashadayaal, ayna umuujiso in dalku yahay nabad.

Sanadka 2019-ka ayaa loo madalsan yahay in magaalo madaxda dalka ee Muqdisho lagu qabto shirkii ugu horeeyay ee Ururka Jamaacadda Carabta ku yeesho caasimada wadankaan Geeska Afrika ku yaala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM