Khayre oo Muqdisho ku laabtey, kulan deg deg ahna la qaatey Mursal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabatey magaalada Muqdisho, kadib markii uu soo gaba-gabeeyay booqasho uu ku tagey dalka Qadar.

Wax yar kadib markii uu caasimadda kasoo degay, Khayre ayaa kulan albaabada u xiran kula qaatey xarun wasaaradeed oo nawaaxiga Isgoyska Zoobe ku taalla, waxaana la xiray wadooyinka oo ciidamo badan la dhigay.

Xildhibaano dhex-dhexaadin ka wadey Khilaafka gudoonka Gollaha Shacabka ayaa la sheegay inay ka qeyb-qaateen Kulanka, kaasoo aan wali laga heynin fahfaahin ku saabsan waxyaabihii ay Khayre iyo Mursal ku heshiiyeen.

Illo ku dhaw Kulanka caawa oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Tacliinta sare ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in labada mas'uul uga wada hadleen Khilaafka ka dhex taagan Gollaha Shacabka iyo Mooshinka xilka qaadista ee laga keenay Farmaajo.

Arrimaha xariga Mukhtaar Roobow iyo doorashada Koonfur Galbeed, oo la filayo inay dhacdo 19-ka Bishan oo ku beegan maalinta arbacada berri ah ayaa sidoo kale ay isla soo qaadeen Khayre iyo Mursal inta uu socday kulankooda gaarka.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli shalay ay kulmeen Mursal iyo labadiisa ku xigeen, oo iska afgartay arrimaha taagan iyo sidii dib loogu furi lahaa kulamada Gollaha shacabka, oo hakad ku yimid markii uu billowday khilaafka ka dhashay kala dirista Guddiga Maaliyadda iyo Mooshinka laga keenay Farmaajo.

Gudoomiye Mursal ayaa hadda u muuqda mid kasoo dabacay mowqifkiisii hore, waxaana la ogeyn inuu aqbali doono in uu ka takhaluso Mooshinka yaalla, iyo go'aankiisii hore ee ahaa in Guddiga Maaliyadda uu shaqadiisa sii wato.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa kulanka Mursal la qaatey kadib markii uu kasoo laabtey Qadar, halkaasi oo wadahadallo qodobadii looga hadlay wali la shaacin kula soo yeeshay mas'uuliyiin uu kamid yahay amiirka dalkaasi.

Qadar ayaa saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya xilligan, maadaama ay jiraan saraakiil sare oo xiriir dhaw la leh oo ku jira dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM