Khayre oo ka digay qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuur
MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax madaxweyne Xasan Cali Khayre oo fiidnimadii Khamiista wuxuu kasoo muuqdey kulan ku qabsoomay aaladda fogaan aragga ah soona qaban-qaabiyey Machadka Siyaasadda ee Chatham House ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka Soomaaliya iyo metelaada gobolka Banaadir.
Khayre ayaa carabka ku adkeeyay in gobolka Banaadir iyo caasimadda Muqdisho ay mudan yihiin metelaad, balse wuxuu ku nuux-nuux-saday in muhiim ay tahay in ay ku timaado hanaanka uu xeerinayo dastuurka qabyada ah.
Dastuurka Soomaaliya ayaa jideynaya in kalka hore la qeexo maqaamka caasimadda Muqdisho isla markaana Labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah ay qaraar kasoo wada saaraan metelaada gobolka Banaadir.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan saxiixay 13 kursi oo gobolka Banaadir loogu darayo Golaha Senate-ka taas oo aan ku fadhin wax sharaci ah maadaama uusan wali caddeyn maqaamka magaala madaxda waddanka.
Musharaxiinta, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda ayaa cambaareeyay saxiixa Farmaajo kuna sifeeyay ajenda siyaasadeed iyo isku-day uu madaxweynaha waqtiga ka dhacay isaga horkeenayo dadweynaha.
Dhanka kale, Khayre ayaa cod dheer wuxuu kaga digay qalalaase dastuur iyo mid siyaasadeed oo Soomaaliya ay dhexda ka gasho hadii 8-da Febraayo la gaaro iyadda oo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin mar-xalada kala guurka.
"Muddo xileedka baarlamaanka oo laf-dhabar u ah dimuqraadiyadeena wuxuu dhamaadey 27-kii December, 2020. Muddo afar cash gudaheeda dalkeena wuxuu wajihi doonaa qalalaase dastuuri marka madaxweynaha uu muddo xileedkiisa ka dhamaado 8-da Febraayo. Annaga oo tixgelineyna in hay'adda fulinta iyo sharci-dejinta ay waayi doonan sharciyadda ay wax ku maamulaan, xalka kaliya ee looga gudbi karo jahwareerkan nagu soo fool leh waa heshiis siyaasadeed oo deg-deg ah," ayuu hadalkiisa ku daray Musharax Xasan Cali Khayre.
Intii uu kulanku socday, Khayre ayaa su'aallo kaga jawaabay ka qeybgaleyaasha oo isugu jira in ka badan 500 qof kuwaas oo ay kamid ahaayeen danjireyaal, diblumaasiyiin, wariyeyaal iyo marti-sharaf kale oo Soomaali iyo ajaaniib daneeya arrimaha Soomaaliya oo kasoo kabaneysa colaad muddo 30-sano tan iyo markii ay burburtay dowladii uu horkacayey Jaalle Maxamed Siyaad Barre.
GAROWE ONLINE