Khayre oo shaaciyey tirada daynta lagu leeyahay Soomaaliya

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kaga qaybgalay munaasabad lagu daahfurayey maaliyadda dalka ayaa sheegay in dalka waqti xaadirkaan lagu leeyahay Shan milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Khayre ayaa xusay inay socdaan dadaalo ay wado dowladda oo ku saabsan sidii dalka looga cafin lahaa dayntaasi fara badan, si Soomaaliya awood ugu yeelato inay dib u habeyn ku sameyso dhaqaalaheeda, una soo daabacan lahayd lacag cusub.

Shuruudo ayaa lagu xiray si looga cafiyo daynta, kuwaasoo qaarkood ay Xukuumadda Khayre sheegtay inay ka gudubtay, inkasta oo uusan fahfaahin Wasiirka 1aad waxay yihiin shuruudaha, balse la fahansan yahay inuu ugu horeyso la dagaalanka Musuqa.

Tobaneeyo qof ah oo isugu jira mas'uuliyiin dowladeed iyo shaqaale ayaa haatan eedaymo musuq-maasuq xabsiga ugu jira, xili qaarkood maxkamad ay kasoo muuqdeen maalmo kahor, wallow aanan wali xukun lagu ridin.

Khayre oo sii hadlaya ayaa faray dhamaan hay'addaha dowladda gaar ahaan kuwa ku shaqada leh la dagaalanka musuqa inay gacan bir ah ku qabtaan cid kasta oo lunsashada Hantida dadwaynaha ku lug-yeelata darajadday doonto ha yeelato.

Ugu dambeyn, Khayre ayaa u digay qoysaska iyo mas'uuliyiinta dowladda inay soo damiintaan shaqsi loo haysto eedaymo musuq-maasuq, taasi oo uu qeexay in dowladdiisa aysan marnaba "u dulqaadan doonin, aysana aqbali doonin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM