Wasiirada Soomaaliya oo shir deg deg la isugu yeeray [Maxaa soo kordhay?]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caawa shir degdeg ah isagu yeeray Gollihiisa Wasiiradda, kaasi oo ka dhacay xarunta Villa Somalia.

Wali lama oga ajandooyinka rasmiga ah ee looga hadlay Shirkan aan caadiga ahayn, ee Khayre la yeeshay xubnaha Gollihiisa Wasiiradda, balse warar hoose oo GO uu helay ayaa sheegay in looga dooday sidii Xukuumadda u waji lahayd su'aallaha BFS.

Wasiiradda difaaca iyo amniga ayaa lagu wadaa in maalin berri ah hortagaan Gollaha Shacabka, kadib markii dhawaan looga yeeray, waxaana Xildhibaanada ay su'aallo ka waydiin doonaan amni darrada Muqdisho.

Xukuumadda ayaa kulanka caawa uga arinsanaysay qaabka loo wahayo Baarlamaanka iyo sidii ay isku difaaci lahaayeen Labada wasiir ee loo yeeray, kuwaasoo ay wehlin doonan taliyeyaasha ciidamada booliska iyo NISA.

Kulamada Gollaha Shacabka ayaa waxaa hareeyay baaqasho, iyadoo inta badan Xildhibaanada wasiiradda ah markii xaaladda noocan ah timaada aan xaadirin Kulamada, si ay kooram la'aan ugu baaqdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM