Khayre oo shuruudo dul-dhigay heshiisyada dibadda [Akhriso]
MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa shuruudo dul-dhigay heshiisyada ay la galayaan hay'adaha xukuumadda uu hogaamiyo Shirkadaha iyo Hay'adaha shisheeye.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Khayre ayaa lagu sharxay habraaca cusub ee loo marayo heshiisyada dowladda, iyadoo hay'ada kasta ama wasiir heshiiska uu galo looga baahan yahay inuu soo maro xeerka cusub iyo Gollaha Wasiiradda.
Xukuumadda Khayre ayaa gashay heshiisyo dhowr ah, oo kamid midkii Kalluunka TUNA ee December, 2018 shatiyada looga iibiyay Shirkaddo laga leeyahay dalk China.
HALKAN KA AKHRI HABRAACA HESHIISYADA:
GAROWE ONLINE