Khayre oo u safray Kenya kadib weerarkii Al-Shabaab ee Dusit hotel

Image

MUQDISHO, Somalia - Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Isniin ah u ambabaxay magaaladda Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Ra'iisul Wasaaraha, Khayre ayaa la kulami doona madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal, oo ka dhaxeeya muran dhinac xuduuda badda.

Booqashada Khayre ayaa kusoo beegmaysa xilli Sirdoonka Kenya uu sheegay in qaar kamida hubkii Al-Shabaab u adeegsatay weerarkii Dusit D2 hotel ee Nairobi ay lahayd dowladda Federaalka Somalia, iyadoo ku qornayd caalamadda "SO".

Lama oga in wadahadallada Khayre iyo Uhuru qeyb ka noqon doonto arintan, inkastoo horey la-taliyaha amniga qaranka Farmaajo Cabdisaciid Maxamed Cali u beeniyay warkan, islamarkaana sheegay in aysan jirin macluumaad iyo caddeymo dowladda Kenya la wadaagtay Xukuumadda Somalia.

Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa March, 2017 ku kala saxiixday Nairobi heshiis iskaashi oo ku salaysan dhincyadda amniga, ganacsiga, maal-gashiga, duulimaadka, beeraha, kalluumeysiga, dalxiiska iyo arrimo kale.

Ma jirto qodob kamida oo la fuliyay heshiiskan, iyadoo amniga uu yahay midka ugu weyn, maadaama labada dal ay wadaagaan xuduud dheer oo furan, taasoo Al Shabaab isaga kala gudubto labada dhinac, iyadoo ka fulisa weeraro gobolka Waqooyiga bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM