Khayre oo u safray Qadar xili uu Mooshn ka yaallo Farmaajo

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta oo Arbaco ah u ambabaxay wadanka Qatar xili uu Mooshin xilka qaadis ah uu ka yeello Madaxwayne Farmaajo.

Khayre oo ay kasii sagootiyeen garoonka Aadan Cadde mas'uuliyiin ka tirsan Xukuumdda ayaa ka qaybgeli doona shir ku saabsan arrimaha dhaqaalaha, kaasoo Doha ka furmaya.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Qadar, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani si uu uga qeybgalo Shirka Doha Forum, oo socon doona 15-ka illaa 16-ka December.

Wararka ayaa intaas ku daraya in mudada uu Khayre joogo Doha uu kulamo gaar-gaar ah la qaadan doono mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Qadar, oo ay kawada hadli doonan arrimo dhowr ah.

Villa Somalia ayaa xilligan ku furan xiisadda ka dhalatay Mooshinka xilka qaadista ee laga keenay Farmaajo, kaasoo ay saxiixeen 92 Xilldhibaan oo Aqalka Hoose katirsan.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in Villa Somaliya oo xiriir dhowr la leh dowladda Qadar ay raadineyso taageero maaliyadeed oo ay dhinac isaga leexiso culeyska siyaasadeed oo dhinaca Xildhibaanada mucaaradka uga imaanaya.

Khayre ayaa bishii October ee 2018 booqasho ku tagey Sacuudiga, isagoo la kulmay Boqor Salman iyo wiilka uu dhalay ee dhaxal sugaha ah, Maxamed Bin Salman.

Sacuudiga oo hormuud u ah dalalka Khaliijka ee go'doomiyay Qadar ayaa siiyay dowladda Federaalka $50 million 2017, kadib booqasho Farmaajo uu Riyadh ku tagey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM