Khayre oo xabsiga ku booqday mas'uuliyiin musuq-maasuq loo xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho uu ku booqday xalay oo Sabti ahayd masuuliyiin ka tirsan Kastamka canshuuraha ee Dekada wayn ee Magaalo madaxda Dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Khayre uu si gaar ah uu ugu tegay xubnaha xiran, inkasta oo aanan loo ogolaanin saxaaafadda inay sawiro ama muuqaalo ay kasoo qaadaan Wasiirka koowaad ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Khayre waxaa socdaalka ku wehlinaya xubno ka tirsan Gollahiisa Wasiiradda, Xilldhibaano iyo saraakiil ciidan, kuwaasoo xariga ka jaray dhimasha xarunta CID-da, taasoo qaab casri ah loo dhisay, islamarkaana lagu soo kordhiyay qalab casri ah oo baaritaano lagu sameeyo.

Mas'uuliyiinta ku xiran xarunta xarunta CID-da waxaa ugu horeeya madaxii Kastamka Canshuuraha ee Muqdisho Axmed Cabdullaahi Soomow, waxaana xafiiska xeer-illaalinta dalka uu kusoo eedeeyay musuq-maasuq la sheegay inay ku sameeyeen canshuurta dekada kasoo xaroota.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya, qaybta canshuurta oo ka hadlay kiiska lagu haysto masuuliyiintaan ayaa tibaaxay in la marsiinayo baaritaano dheeraad ah, islamarkaana kadib lasoo taagi doono maxkamad, waxaana la sheegay in xubnaha la xiray tiradooda ay gaareyso Tobban, balse qaarkood ay maqan yihiin.

Maxamuud Maxamed Guure ayaa lagu waramayaa in si KMG ah loogu magacaabay maamulaha cusub ee Kastamka Muqdisho, kaasoo howsha sii wadi doono, inkasta wararka qaarkood ay sheegayaan in gabi ahaanba la joojiyay howshii ka socotay Kastamka canshuuraha.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilooyinkii udambeeyay waday olale xoog leh, kaasoo ay kusoo qab-qabaneyso masuuliyiin ka tirsan hay'addaha kala duwan ee dowladda, kuwaasoo lagu eedaynayo musuq-maasuq, inkasta oo aanan la arkin xubno maxkamad loosoo taagay oo la xukumay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM