Khayre oo magacaabey Wasiir cusub oo bedelay Cabdifitaax Geesey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magacaabey Wasiir cusub u magacaabey Wasaaradda Howlaha Guud, 24 saac kadib markii uu xilkaasi iska-casilay Cabdifitaax Geesey.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu shaaciyay in Cabdi Aadan Hosow loo magacaabey xilka Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya.

"Maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka maalinimo isniin ah,wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha,Ujeedo magacaabis wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska ka dib markii uu tixgeliyay laga maarmaanimada inuu buuxiyo xilka Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska oo banaanaaday,ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo xilka Wasiirnimo maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka u magacaabay Mudane Cabdi Aadan Hoosow,wasiirka Cusub waxaa la farayaa in sida ugu dhaqsiyaha ula wareego Xafiiskiisa waana mahadsan tihiin,”.

Cabdifitaax Geesey oo ah Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka, ayaa xafiiska joogey mudo bilooyin ah waxaana sababta uu shaqada uga tagey ku sheegay faragelinta Xukuumadda Soomaaliya ku heyso arrimaha Koonfur Galbeed, oo isaga kasoo jeeda.

Khayre ayaa magacaabistan sameeyay isagoo dalka Qadar safar ugu maqan, islamarkaana ay xukuumadiisa ku furan yihiin mucaarado xoogan uu gudaha dowladda iyo dibadda ah, gaar ahaan Mooshinka Farmaajo laga keenay iyo arinta Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM