Khilaaf Siyaasadeed cusub oo ka taagan HirShabeelle

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Khilaaf Siyaasadeed cusub ayaa ka taagan maamulka HirShabeelle, kaasi oo ku qotoma magacaabista Gollaha Wasiiradda.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Baarlamaanka HirShabeelle ayaa isku khilaafsan halka ay ka imaanayaan Wasiiradda la magacaabayo, iyadoo taasi noqotay Ismariwaa Siyaasadeed oo soo wajahay maamulkaasi curdunka ah.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegay in Madaxweyne Waare uu doonayo in Wasiiradiisa cusub ay ka yimaadaan dibadda Baarlamaanka, halka Xildhibaanada ay doonayaan in iyaga laga soo xusho oo Muraayadda Xukuumadda iska-arkaan.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen "Guudlaawe" ayaa isna kasoo horjeeda aragtida Madaxweynaha, wuxuuna la saftay dhanka Xildhibaanada doonaya in Baarlamaanka laga keeno Wasiiradda.

Khilaafkan ayaa lagu soo waramayaa inuu kusii xoogeysanayo HirShabeelle, waxaana magaalada Jowhar laga dareemayaa jawi kacsanaan ah, iyadoo ay Xildhibaanada qaadanayaan kulamo gaargaar ah, oo ku aadan magacaabista Wasiiradda.

Baarlamaanka HirShabeelle ayaa xilkii ka qaadey Madaxweynihii hore Cali Cabdullahi Cosoble bishii August, kadib markii uu yimid khilaaf xooggan, iyadoo lagu bedelay Maxamed Cabdi Waare, oo dhawaan la caleema-saarey.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Hal qof oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay magaalada Baraawe

Baraawe ayaa muddooyinkii dambe ahayd magaalo muhiim ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM ay si dhow u maamulaan.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 08:11PM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo qabtay afar ku eedeysane dil naxdin leh oo ka dhacay Wanlaweyn

Dhacdadan ayaa mar kale soo cusbooneysiisay walaaca laga qabo kororka dilalka aargudashada iyo dagaallada beelaha ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 01:01PM