Khilaaf soo kala dhex-galay DDSI iyo Abiy Axmed [Shir la qabanayo]

Image

JIGJIGA - Madaxwaynaha maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa shir deg deg ah isugu yeeray Golihiisa Wasiirada maanta oo Arbaco ah.

Kulankaan ayaa imaanaya iyadoo Talaadadii uu Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] kasoo laabtey caasimada Addis Ababa markii ay halkaasi uga yeereen madaxda Federaalka oo uu lasoo kulmay.

Shirka Wasiirada oo ah mid xasaasi ah ayaa lagu lafaguri doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee degaanka iyo wixii uu Madaxwaynuhu kala soo kulmay madaxdii uu kula soo kulmay magaalo madaxda dalkaan aan Badda lahayn.

Mad-madow ayaa la sheegay soo kala dhex-galay maamulka Mustafa Cagjar iyo xukuumada Abiy Axmed, taasoo warar aan la xaqiijin ay kasoo baxayaan waxyaabaha uu salka ku hayo.

Cagjar oo ku yimid isbedal ka curtay DDSI kadib muddo uu kalitaliye maamulayay ayaa wajahaya caqabado dhowr ah sida; xalinta colaada Oromada iyo Soomaalida, xariga Cabdi Illey, oo xilka kala wareegay.

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu sidoo kale is-fahan-waa udhaxeeya Mustafa Cagjar iyo Gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Axmed Shide, ahna Wasiirka Maaliyada dowlada Itoobiya.

Khilaafkaan cusub oo in muddo soo jiitamayay ayaa lasoo warinayaa inuu salka ku hayo shirka guud ee xisbiga iyo cidda kasoo qaybgalaysa, kaasoo lagu wado inuu qabsoomo bilooyinka soo socda.

Xasaraddaan siyaasadeed ayaa imaaneysa iyada oo Jabhada ONLF ay ku dhawaaqday xisbi ka qaybgalay doorashada Madaxtooyada ee 2021-ka, taasoo loolan adag ku furi doonta xisbiga kaliya ee haatan ka jira gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM