Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Image

MUQDISHO – Xisbiga cadaaladda iyo midnimada (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya kala qaybsanaan xooggan iyo ruxan siyaasadeed, xilli ay dhowr toddobaad oo qura ka harsan yihiin dhammaadka muddo xileedka madaxweynaha. Khilaafkan ayaa yimid xilli uu muran weyn ka taagan yahay muddo kordhin hal sano ah oo uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka, taas oo ay diideen dhinacyo badan oo siyaasadeed.

Iscasilaadda Laftagareen iyo Is-beddelka Koonfur Galbeed

Khilaafka ayaa cirka isku sii shareeray ka dib markii uu iscasilay guddoomiye ku-xigeenka xisbiga JSP, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo sidoo kale ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Laftagareen iyo mas'uuliyiin kale oo maamulkiisa ka tirsan ayaa isaga baxay xisbiga ka dib markii uu sii xoogaystay cadaadiska dowladda federaalka ay ku doonayso inay xilka kaga tuurto. Sidoo kale, Laftagareen ayaa si cad u diiday dastuurka cusub ee baarlamaanku ansixiyay, isagoo sheegay inuu aqoonsan yahay oo kaliya kii 2012-kii.

Cabdiraaxmaan Odowaa oo ku dhawaaqay Musharaxnimo

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa, kaas oo ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxtinimada Soomaaliya. Odowaa oo ahaa saaxiib dhow iyo ololeeyaha rasmiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh saddexdii doorasho ee u dambeeyay, ayaa tallaabadiisu muujinaysaa in xitaa dadkii ugu dhowaa madaxweynaha ay hadda u arkaan in loo baahan yahay "dhiig cusub" oo beddela hoggaanka hadda jira.

Digniinta Sanbaloolshe iyo Iska horimaadyada Hubaysan

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo ah saaxiib kale oo miis culus ku leh garabka madaxweynaha, ayaa isna si cad u naqdiyay qaabka maamulka Villa Somalia u wajahayo xiisadda Koonfur Galbeed. Sanbaloolshe ayaa ka digay in siyaasad aan lahayn xulashooyin kale ay keeni karto burbur ku yimaada isbahaysiga, isagoo bartiisa Facebook ku qoray: "Ad-adaygga iyo siyaasadda aan doorashada lahayn waxay u horseedaysaa geeri."

Dhanka kale, waxaa duleedka magaalada Baydhabo ka qarxay iska horimaadyo u dhexeeya ciidamo taabacsan dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed. Dowladda federaalka ayaa sheegtay inay waddo qorshe ay doorasho kaga fulinayso gobolka si ay u beddesho Laftagareen, halka maamulka Koonfur Galbeed uu isna diyaarinayo doorasho isaga u gaar ah.

Dadka odorosa siyaasadda ayaa aaminsan in kala jabka xisbiga dhexdiisa iyo loolanka ka dhex qarxay xulafadii Damul Jadiid ay dalka u horseedi karaan hubanti la'aan siyaasadeed iyo amni darro hor leh, gaar ahaan xilli dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah oo xasaasi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalal Muslimiin ah oo cambaareeyay safaarad Somaliland sheegtay inay ka furanayso Qudus

Waxay sidoo kale si cad u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo ay sheegeen in ay wiiqayso madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 12:54PM

Shacabka Muqdisho oo loo oggolaaday inay Codkooda ku soo doortaan Madaxda Degmooyinka

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu dhisayo goleyaal deegaan iyo doorashooyin ka hirgala gobolka Banaadir.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 09:33AM