Khilaafka doorashada Soomaaliya oo weji cusub yeeshay
MUQDISHO, Soomaaliya – Dadaalo lagu doonayay in dib loogu mideeyo daneeyayaasha siyaasada Soomaaliya ayaa burburay Sabtidii iyadoo hogaanka sare ee dalka uu shaaciyay damacooda ku aadan qabashada doorashooyinka maalmaha soo socda, inkasta oo is-mari-waaga uu ruxay qadiyadaha maxaliga taasoo dhabaha u xaari karta jahwareer siyaasadeed.
Tan iyo bishii Sebtember ee sanadkii hore, labada dhinacba [mucaaradka iyo dawladda], waxay soo saareen digniino adag oo ku saabsan doorashooyinka soo socda, mana muuqato mid ka tanaasulaya qorshihiisa xaaladaha qaarkood in la fuliyo. Heshiiskii 17-kii Sebtember wali dowlada federaalka ma hirgalin.
Hasa ahaatee inkasta oo uu jiro muranka, Madaxweynaha Galmadug Axmed Cabdi Kaariye oo ku magac dheer Qoor-Qoor wuxuu labada dhinacba u goobayey is afgarad ka hor doorashooyinka balse dedaalkaas waxay umuuqataa in ay dhicisowdey, taas oo gelisay dalka xaalad hubanti la'aan iyo jahwareer.
Sabtidii, Kaariye, oo ugu dhow Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in dadaalkiisii uu ku dhex dhexaadinayay labada dhinac uu si lama filaan ah u fashilmay.
"Waxaan rajo wanaagsan ka qabay in xaaladdan ay ku dhammaan doonto wadahadal dhexmara daneeyayaasha," ayuu yiri, isagoo intaas ku daray: "Laakiin dadaalkeennu wuxuu ku guuldareystay inuu mirodhalo. Waa xilli niyad jab leh oo aanan wada fadhiisan karin si aan uga heshiinno arrimo kala duwan oo aasaasi ah".
Daqiiqado kadib shaacinta Qoor-qoor, raiisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu sheegay in doorashadu ay u dhici doonto sidii loogu talagalay, isagoo intaa ku daray in dalka uu ka bilaaban doono doorashooyinka baarlamaanka. Doorashada ayaa qorshuhu ahaa inay bilaabato Diisambar 2020 laakiin is-mari-waaga dowladda iyo mucaaradka ayaa carqaladeeyay howsha.
Sida uu sheegayo Rooble, Galmadug, Hirshabeelle, iyo Koonfur Galbeed ayaa doorashadda bilaabi doona, laakiin ma uusan soo hadal qaadin xaaladda ka jirta Jubaland iyo Puntland.
Saddexda hore waxay xulafo la yihiin dowladda federaalka halka labada kale loo tixgeliyo inay yihiin xoogaga mucaarad.
"Markii aan sameeyay dadaallo la taaban karo si aan ula xiriirno dowlad dowlad goboleedyadda si aan si nabad ah wax uga qabanno kala duwanaanshaha fikradaha ku saabsan doorashooyinka iyo sida ku xusan ballanqaadkeyga in ay dhacaan doorashooyin xor ah, caddaalad ah, loo dhan yahay, oo nabdoon, dowladdu waxay go’aansatay in ay billowdo geeddi-socodka lagu hirgalinayo doorashooyinka," ayuu tibaaxay.
Midowga Musharaxiinta oo beeniyey dhawaq kasoo yeeray xukuumadda iyo Qoor-qoor ee ah in dhankooda ay kasoo jawaabi waayeen fariin looga diray Villa Soomaaliya ayaa ka digay doorasho hal dhinac ah, waxaana ay tibaaxeen in ay waddanka u horseedeyso kala tag ayna sii murjineyso mar-xalada uu haatan ku jiro.
Fashilka dedaalada uu wadday Qoor-qoor ayaa yimid markii dhinacyadda ay isku aragti ka noqon waayeen saddexda qodob ee miiska saaran oo kala ah; ciidamadda dowladda geysay gobolka Gedo, xulista wakiiladda Somaliland iyo guddiyadda doorashooyinka ee ee lagu muransan kuwaasoo Villa Soomaaliya ku dartay shaqaale rayid, askar NISA ah iyo taageereyaasheeda.
GAROWE ONLINE