Kiisaska ugu badan ee la horgeeyay maxkamada ciidamada Somalia 2018

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada ciidamada qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixin sanadeedka 2018, oo ku saabsan tirada gal-dacwadeed ee la horkeenay sanadkii lasoo dhaafay.

Kaalinta 1aad

Kiisaska oo xukun ku rididooda ay soo martay heerar kala gedisan ayaa ugu badnaa Rag lagu soo eedeeyo falalka la xiriira argagixisnimadda, kuwaasi oo gaarayay 194 dacwad, oo loosoo xiray 291 ruux.

Shaqsiyaadka lasoo xiray oo xukuno kala duwan ay ku dhaceen, kuwaasi oo isugu jira xabsi daa’in, dil toogasho iyo sanado xabsi ciidan ah ayaa ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab iyo Daacish - faraca Soomaaliya.

Kaalinta 2aad

Gal-dacwadeedyadda kale oo ay maxkamadu qaaday 2018 waxaa kaalinta labaad ku jira dilalka ay geystaan ciidamada, shacabka iyo xubnaha ka tirsan Shabaab ama Daacish, kuwaasi oo wadartoodu gaareyso 94 kiis.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, waxaa xabsiga loo dhigay gal-dambiyeedkaasi 153 qof, kuwaasi oo isugu jira askar ka tirsan dowladda, dad rayid ah iyo maleyshiyaadka ka tirsan kooxaha argagixisada ah.

Kaalinta 3aad

Sidda ku cad warbixinta, kiisaska la xiriira falalka burcadnimadda ah ayaa ahaa midka 3aad ee ugu badan oo ay maxkamaddu qaaday, waxayna gaarayeen 32 gal-dacwadeed oo Garsoorayaashu xukun ku rideen.

Kiiskaan waxaa loosoo xiray 92 qof, kuwaasi oo badakooda kamid ahaa ciidamada dowladda, inkasta oo ay jiraan tiro yar, oo shacab ah.

Gudoomiyaha maxkamadda Col. Xasan Cali Nuur [Shuute] ayaa shaaciyay in kiis walba oo kamid ah gal-dacwadeedyadda ay qaadeen sanadkii hore ay u eegayaan xukun ku ridistiisa hadba daceymaha la horkeeno.

"Kiisas kale waa ay jireen, balse, saddexaas ayaa ugu badnaa…waxaa kaloo jiray kiisas la xiriira amar-diido loo xukumo askar ka tirsand dowladda balse, ma aysan badneed," ayuu Gudoomiye Shuute u sheegay Telafishinka dowladda.

Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha oo carabka ku dhuftay in khatarta kooxaha argagixisada ah ee dalka ku sugan ay sii kordheysoo ayaa shaaciyay in iyagana ka daali doonin inay xukuno ku ridaan xubnaha ka barbar-dagaalama.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM