Dalabyada soo-celinta askarta ku maqan Eritrea oo korortay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waalidiinta wiilashooda uu askareeyay maamulka Farmaajo ayaa maanta waxay mar kale banaanbax ka dhigeen isgoyska Lamber ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Iyada oo waalidiinta ay goobayaan wilashooda si qarsoodi ah tababarka loogu diray Eritrea, cutubyo kamid ah booliska Soomaaliya ayaa warbaahinta u diidaya in ay kasoo waramaan mudaaharaadka.

Mudaharaadka ayaa imanaya maalmo kadib warbixinta xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in askar Soomaaliya ka socotey ay wehliyeen ciidamada Eritrea ee ka dagaalameen Tigray.

Dowladda waqtigeedu dhammaaday ee Soomaaliya ayaa waxay dhowr jeer beenisay sheegashooyinka ah in ciidamada Soomaaliya ay ku lug lahaayeen dagaalkii Tigray ee Itoobiya sanadkii hore.

Hase ahaatee, maamulka Farmaajo ayaa ku guuldareystay in uu soo bandhigo caddeymo xoojinaya sheegashadiisa, taas oo walaaca ku xoojisay waalidiinta oo sheegay in muddo aysan la hadlin wiilashooda.

Idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa dhowaan waxay baahisay in askarta qaarkood ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah isla markaana uu tababarka u dhamaadey bishii sagaalaad.

Nidaamka lagu qoray askarta Soomaalida ah ee tababarka loogu qaadey Eritrea ayaa ahaa mid kaliya ku koobnaa xafiiska madaxweynaha waqtiga k dhacay iyo hay'adda NISA mana la marsiin hay'addaha kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM