Kiiska Ikraan Tahliil Faarax: Muxuu Farmaajo "ka baqayaa"?

Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey ayaa lagu eedeeyay in uu gabaad-siinayo eedeysaneyaasha.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo wuxuu gabaad-u-siinayaa eedeysaneyaasha kiiska Ikraan Tahliil Faarax waa in ay jirto sir laga hayo, sida uu sheegay Jeneraal Cabdalla Cabdalla.

Cabdalla oo horey u soo noqdey taliye ku xigeenka hay’adda mukhaabaraadka Soomaaliya ayaa ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga wuxuu ku daabacay in Fahad uu horey ugu goodiyey Farmaajo in uu sirtaas kashifayo.

Sida laga soo xigtey Cabdalla, hanjabaadda Fahad ayaa timid markii isaga uu 2018-dii uu dacwad ka gudbiyey Fahad taasoo ku saabsaneyd in uu gacansaar la leeyahay maleyshiyada argagixisadda ah ee Al-Shabaab.

"Muxuu ka baqayaa Farmaajo? Ma Fahad ayaa leh hadii maxkamad la igeeyo waan kashifaa sirteena? Sidii dhacday September, 2018 markaan dacwada ka gudbiyay,” ayuu Cabdalla ku bilaabay qoraalkiisa.

Wuxuu intaas ku daray: "Sirta u gaarka iyo faraha odayga laga hayaa weynaa! odayga in rakaato lagu haysto hore ayaan u sheegay laakiin maanta Somali waa u caddahay!".

“Farmajow dantaada waxay ku jirtaa in aad nabad ku sugto madaxweynaha imaan doona inuu xilka si nabad ah kaala wareego! Waa iga talo. Abuu Camaar [Fahad Yaasiin Daahir] naftiisa maanta waxba uma galo. Game Over!," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Dood qaran

Farmaajo ayaa Fahad u magacaabay lataliyaha amniga qaranka kadib markii ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta uu eryay agaasimihii hay’ada sirdoonka markii uu diidey in uu soo gudbiyo warbixinta kiiska haweenayda maqan.

Kiiska Ikraan Tahliil Faarax ayaa u dalacay dood qaran, sida uu Axadii shalay ahayd shaaca ka dhigay xafiiska ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta oo meesha ka saarey uu siyaasad ku lug leeyahay.

Wasiirka koowaad Maxamed Xuseen Rooble ayaa, sida uu xafiiskiisu sheegay, wuxuu kulanka uu maanta la yeeshay wafdi ka socday Qaramada Midoobay ka socday ka sheegay in uu ahmiyad siinayo qadiyadan.

Sida uu sheegay afhayeenkiisa Maxamed Ibraahim Macalimuu, madaxwayneyaasha maamulada oo shirka qeyb ka ahaa ayaa Rooble u muujiyey in ay ku garab taagan yihiin qaabka uu ilaa hadda u maareynayo kiiskan.

Xiisada ka dhalatay kiiskan ayaa gaartey in ay ku kala qeybsamaan hogaanka dalka iyadda oo madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo lagu eedeeyay in uu gabaad-siinayo eedeysaneyaasha gal-dacwadeedkan.

Ikraan oo ahayd xubin sare oo ka tirsan hay'adda sirdoonka qaranka ayaa la waayey wax ka badan laba bilood kahor. Hay'addu waxay sheegtay in ay Al-Shabaab dishay hase ahaatee qoyskeedu kuma qancin sheegashadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin cusub oo laga helay kulankii Xamse iyo wafdiga dowlada Kenya

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa isku-dayada Villa Soomaaliya ku cadaadineyso maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:10PM

Soomaaliya iyo UK oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Bayaan ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulankan uu ku qotomo horumarinta wadashaqeynta.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:06PM