Kismaayo: Askar ku eedeysan dil oo xukun lagu riday

Image
Image

KISMAAYO, Jubaland – Maxkamadda Ciidamadda Jubaland ayaa Arbacadda maanta ah waxay xukun ku ridday afar eedeysane kuwaasoo la tilmaamay in ay ka tirsanaayeen Ciidanka dhulka maamul goboleedkaas.

Afar kamid ah eedeysaneyaasha oo aan la magacaabin ayaa loo maxkamadeeyay jir dil la wariyey in ay u geysteen Nuur Maxamed Cabdulle kaasoo lagu waramay in kalkii dambe uu u geeriyooday nabaradda xadgudubkaas.

Xeer-beegtadda oo xustey in ay heshay "caddeymo ku filan" ayaa xukmisay in afarta eedeysane ay bixiyaan diyo boqol Hallaad oo Geela taas oo lacag ahaan u dhiganta $50,000 [konton kun oo doolar-ka Mareykanka].

"Magta marxuumka waxaa $30,000 kamid ah bixinaya ehelada Ciidanka, halka $20,000 ay bixinayso hay’adda dhulka Jubbaland," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamadda kaasoo uu arkay bogga GO.

Dhanka kale, maxkamadda ayaa isla maanta waxay dhageysatay gal-dacwadeed ka dhan ah laba eedeysane kale kuwaasoo magacyadooda lagu kala sheegay in ay kala yihiin; Wayrax Khaliif Yuusuf iyo Xassan Xumeey Axmed.

Wayrax ayaa loo haystaa dilka Xaliimo Rooble oo 50-jir ahayd. Eedeysanahan wuxuu xusay in xabadda ka fakatay, isagoo dalbaday naxariis.

Xasan oo ah taliye ku xigeen hore ayaa ku eedeysan dilka askari ka tirsanaa ciidamadiisa. Askarigaas wuxuu u geeriyooday "dil ciqaabeed".

Kabtan Nuur Xassan Axmed, xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Jubbaland iyo Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda ciidanka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed, ayaa xusay in xukunka dib laga shaacinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo sheegay inuuu sii wadayo taageeradda Puntland ee dagaalka ISIS

Puntland ayaa ballan qaaday inay sii wadayso dadaallada, inkastoo dowladda federaalka Soomaaliya aysan taageerin hawlgallada ka dhanka ah ISIS.

  • Soomaliya

    06-03-2025

  • 11:27PM

Warbixin Cusub: Imisa duqeyn ayuu Mareykanka Soomaaliya 2025

Dhibaatooyinka dhinaca amniga ee Soomaaliya waxaa sii adkeeyay go'aan dhawaan ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Bihi Iimaan Egeh.

  • Soomaliya

    06-03-2025

  • 08:53AM