Kismaayo: ciidamo ka wada tirsan kuwa Jubaland oo dagaalamay

Image

July 12, 2015 (GO)- Ugu yaraan saddex askari ayaa ku geeriyoodey afar kalena way ku dhaacacmeen iska-hor-imaad maanta magaalada Kismaayo ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan kuwa ammaanka ee Jubaland.

Dagaalka ayaa bilowdey kadib markii askar kamid ah kuwa ilaaliya xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee ku taal xaafadda Calanley ay qori ka qaadeen askari kale oo ka tirsan nabad-sugidda.

Intaas kadib waxaa xarunta Wasaaradda weerar kusoo qaadey ciidamo aad u hubeysan oo la sheegy inay ka tirsan yihiin nabad-sugidda Jubaland, dagaal culus ayaana bilowdey.

Rasaasta ayaa weli la maqlayaa, haseyeeshee saraakiil iyo odayaal dhaqameed ayaa ku hawlan sidii labada ciidan loo kala dhex geli lahaa.

Ma ahan markii ugu horreysey ee ciidamo ka wada tirsan kuwa Jubaland magaalada Kismaayo dhexdeeda ku dagaallammaan, waxayna arrintani kusoo aadeysaa xilli Madaxweynaha Jubaland maalintii labaad booqasho ku joogo magaalo-madaxda Puntland ee Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM