Kismaayo: Dastuurka Jubaland oo maanta la ansixiyey

Image
Image
Image
Image

August 1, 2015 (GO)- Munaasabad ballaaran oo ka dhacday xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo ayaa lagu ansixiyey dastuurka cusub ee maamulka Jubaland.

Xafladda waxaa kasoo qayb galay ergooyin ka kooban 300 oo ka socdey gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa madaxda ugu sarreysa Jubaland iyo wufuud ka socotey Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobey.

Ansixinta Dastuurkan ayaa kusoo aadeysa xilli labo todobaad kadib ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeennada Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM