Kismaayo oo looga baroor-diiqayo dadkii lagu dilay weerarkii Cascasey

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland – Dadkii lagu laayey weerarkii gabal dhicii Jimcaha ay Al-Shabaab ku ekeysay huteelka Cascasey ee Kismaayo ayaa isla maanta lagu aasay xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Munaasabada Salaada Janaasada ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Jubbaland iyo mas'uuliyiin kale kuwaasi oo marxuumiinta u duceeyay una rajeeyay Janatul Firdowsa.

Sidda uu sheegay Axmed Madoobe, 26 ruux oo ay ku jiraan ajaaniib ayaa ku geeriyootay qaraxaasi oo si lamid ah ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 60 ruux oo lamida ay Shiinees yihiin.

Qoysaska ayaa hoygooda ku qabsanaya munaasabadaha baroor-diiqda xili ay tacsida uga kala imaaneysa dhinacyo kala duwan oo ay ku jiraan madaxda dowlada federaalka ah.

Bukaanada ayaa lagu dhabiibayaa Isbitaalka guud ee caasimada ku meel gaarka Jubbaland, halkaasi oo habeenimadii Jimcaha uu booqdey Axmed Madoobe isagoo u rajeeyay soo kabasho.

Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmey weerarkii huteelka Kismaayo oo xaaladooda caafimaad wax looga qaban qaayey xarunta ku meel gaarka Jubbaland ayaa loo qaadey magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Axmed Madoobe ayaa amray ciidamada in ay xoojiyaan howlgalada lagu sugayo ammaanka Kismaayo oo bisha dambe ay ka qabsoomeyso doorahada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka maamulkan.

Wadooyinka Kismaayo qaarkood ayaa ah kuwa haawanaya tan iyo xalay oo uu boolisku ku dhawaaqey xaalada degdeg ah, taasi oo ujeedka ku sheegeen in lagu soo celinayo xasiloonida magaaladda.

Xaalada ayaa haatan ah mid degan, iyadda oo sawirro laga soo qaadey huteelka ay muujinayaa burbur baaxad leh oo soo gaarey qeybaha ugu muhiimsan taasi oo ka dhalatay qaraxa iyo is-rasaaseynta.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo tibaaxay in la qabtey mid kamid ah ragga weerarka soo qaadey ayaa xusay in laba kamida la toogtey mid kalena uu is-qarxiyey – taasi oo ka dhigan in dableydu ahayd afar.

Weerarkan ayaa noqonaya midkii ugu dhimashada badnaa oo ay Al-Shabaab ka fuliso magaalada dekadda leh tan iyo markii laga saarey sanadkii 2012-kii, sanad kadib markii laga xoreeyay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM