Kismaayo: sarkaal ka tirsanaa nabad-sugidda oo toogasho lagu diley

Image

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada nabad-sugidda ee Jubaland ayaa maanta magaalada Kismaayo lagu diley.

Labo nin wejiga soo duubtey kuna hubeysnaa bistoolado ayaa lagu soo warramayaa inay  dhowr xabadood madaxa uga dhufteen xilli uu marayey agagaarka xaafadda Shaqaalaha.

Dableyda dilka geysatey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka Jubaland oo daqiiqado kadib soo gaarey halka uu dilku ka dhacay ayaa sameeyey hawlgal baaritaan ah oo muddo kooban socdey.

Booliska ayaa xiray dhowr qof oo falkaas lala xiriirinayo, kuwaas oo xilligan su'aalo lagu weydiinayo saldhiga dhexe ee booliska Kismaayo.

Xaafadda Shaqaalaha waxa horay uga dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan, kuwaas oo lala beegsaday mas'uuliyiin iyo ciidamo Jubalnad ka tirsan. Weerarradaas badankooda waxaa mas'uuliyaddooda sheegtay Ururka Alshabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM