Kismaayo: xilliga ay dhacayso doorashada Jubaland oo la shaaciyey

Image

August 1, 2015 (GO)- Guddoomiyaha Baarlammaanka Jubaland ayaa shaaciyey waqtiga ay dhici doonto doorashada madaxtinimada ee maamulka Jubaland.

Sheekh Cabdi Yuusuf ayaa xusay in doorashadu dhici doonto marka la gaaro 15-ka bishan August.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maalinta berri ah la lasoo magacaabi doono guddiga doorashada.

Shaacinta waqtiga ay dhacayso doorashada madaxtinimada Jubaland ayaa kusoo aadeysa xilli isla maanta magaalada Kismaayo lagu ansixiyey dastuurka cusub ee Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM