Kismaayo: xilliga ay dhacayso doorashada Jubaland oo la shaaciyey

Image

August 1, 2015 (GO)- Guddoomiyaha Baarlammaanka Jubaland ayaa shaaciyey waqtiga ay dhici doonto doorashada madaxtinimada ee maamulka Jubaland.

Sheekh Cabdi Yuusuf ayaa xusay in doorashadu dhici doonto marka la gaaro 15-ka bishan August.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maalinta berri ah la lasoo magacaabi doono guddiga doorashada.

Shaacinta waqtiga ay dhacayso doorashada madaxtinimada Jubaland ayaa kusoo aadeysa xilli isla maanta magaalada Kismaayo lagu ansixiyey dastuurka cusub ee Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM