​KISMAYO: 1,500 oo Askari oo Tababar loo soo xiray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta tababar ugu soo xiray Ciidamo katirsan  Xooga Dalka qaybta 43-aad ee ku sugan Magaalada Kismaayo.

Munaasabadda Tababarkan lagu soo xirayay waxaa ka qayb galay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Difaaca Soomaaliya, Sarakiil kasocotay Dowlada Federaalka ah iyo Hawlgalka  AMISOM.

Ciidamadan oo noqonaya dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisa Qaybta 43 ee Ciidamada Xooga Dalka ayaa waxaa ay gaado ka Ciyaar kusoo bandhigay Madaxda hortooda iyagoo muujinayay casharadii la siiyay mudadii ay ku jireen aqoonta ciidanimo.

Ciidamadan oo tiro ahaan gaaraya 1,500 askari, ayaa ka kooban qaybta kumaandooska iyo Ciidamada Lugta waxaana ay mudo ku tababaranayeen Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay inay qalin jabinayaan dufcadii ugu horaysay ee Ciidamada Qaranka oo isku dhaf ah.

Dhammaan dadkii gacanta ka gaystay hawshan ayuu Madaxweynahu u mahad celiyay isagoo sheegay in Al-Shabaab ay burbur qarka u saran tahay maadama wiilashii dhamaystiri lahaana ay diyaar u yihiin in ay ku dhaqaaqan gumaadka Shabaab.

Ciidamada ayuu ku booriyay inay muujiyaan dareen lahaansho oo ay Dalkooda xorayntiisa Naftooda u huraan isagoo xusay in ay Dowlada Federaalka ah laga sugayo wixii tasiilad ah oo Ciidamadan ka dhiman.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM