Kismayo: 5 Carruur ah oo dab qabsaday Gurigooda u Geeriyooday

Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Jubbaland- Dab ka kacay guri ku yaalla magaalada Kismayo gaar ahaan goob ay daganaayeen qoysas barakacayaal ah ayaa wararku sheegayaan inay ku dhinteen 5 carruur ah oo wada dhashay.

Sida ay dad goob joogayaal ah u sheegeen GO, Carruurta geeriyootay ayaa ku sugnaa hal guri oo ka samaysnaa cooshado.

Khasaaro kale oo hantiyeed ayaa jira, waxaana dabkaas uu burburiyay guryo goobta ka ag dhawaa.

Dad goob joogayaal ah ayaa xaqiijiyay in arrintan ka dhalatay cillad koronto, balse ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta.

Hooyada dhashay carruurtaas ayaa ka maqnayd hoyga markii dhibku dhacayay.

Mashaqadan ayaa ka dhacay Xaafadda Farjano gaar ahaan Dalxiiska oo ay ku noolyihiin Qoysas Barakacayaal.

Dabkan ayaa markii dambe lagu guulaystay in la damiyo, waxaana dadaal adag sameeyay shacabkii ku noolaa deegaankaas.

Mas’uuliyiin katirsan maamulka Jubbaland ayaa booqday hoyga ay carruurtu ku gubteen, waxaana kamid ahaa Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Arrintan ayaa aad looga dareemay guud ahaan magaalada Kismayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM