Kismayo: 5 Carruur ah oo dab qabsaday Gurigooda u Geeriyooday

Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Jubbaland- Dab ka kacay guri ku yaalla magaalada Kismayo gaar ahaan goob ay daganaayeen qoysas barakacayaal ah ayaa wararku sheegayaan inay ku dhinteen 5 carruur ah oo wada dhashay.

Sida ay dad goob joogayaal ah u sheegeen GO, Carruurta geeriyootay ayaa ku sugnaa hal guri oo ka samaysnaa cooshado.

Khasaaro kale oo hantiyeed ayaa jira, waxaana dabkaas uu burburiyay guryo goobta ka ag dhawaa.

Dad goob joogayaal ah ayaa xaqiijiyay in arrintan ka dhalatay cillad koronto, balse ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta.

Hooyada dhashay carruurtaas ayaa ka maqnayd hoyga markii dhibku dhacayay.

Mashaqadan ayaa ka dhacay Xaafadda Farjano gaar ahaan Dalxiiska oo ay ku noolyihiin Qoysas Barakacayaal.

Dabkan ayaa markii dambe lagu guulaystay in la damiyo, waxaana dadaal adag sameeyay shacabkii ku noolaa deegaankaas.

Mas’uuliyiin katirsan maamulka Jubbaland ayaa booqday hoyga ay carruurtu ku gubteen, waxaana kamid ahaa Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Arrintan ayaa aad looga dareemay guud ahaan magaalada Kismayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM