Kolanyo ka tirsan AMISOM oo Qaraxyo lagu weeraray [Fahfaahin]

Image

BALCAD- Fahfaahino dheeri ah ayaa waxay kasoo baxayaan Labo Qarax oo lagu weeraray Kolanyo ka tirsan ciidanka Midowga Afrika, kuwaasoo mareysay tuuladda Doroley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ee Koonfurta Soomaaliya.

Qaraxa koowaad oo lala eegtay Gaari ay la socdeen askar u socotey howlgal gaara ah oo jeeda dalka Burundi ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid xoogan, inkasta oo aanan la ogayn ilaa hadda inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Sidoo kale Gaari nooca Kor-ka-furan ah, kaasoo sahay u waday Saldhig ay ciidamadda AMISOM ku leeyihiin qeybo kamid ah gobolka, ayaa la sheegay inay la kacday Miinadda labaad, islamarkaana uu jiro burbur xoogan oo soo gaaray baabuurkaas.

Xoogaga Al-Shabaab oo dusha saartay mas’uuliyadda weerarkaan ayaa afka ku balaariyay inay khasaaro lixaad ah ay ku gaarsiiyeen ciidamada Midowga Afrika, wallow aysan cadeynin hadii ay jirto tirada dhimasho, dhaawac ama mid qalab.

Degaanka Doroley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa wuxuu ku dhow yahay magalada  Balcad ee isla gobolka Shabeelaha dhexe halkaasoo tuulooyinka ku dhow ay inta badan ka dhaceen weeraro ay soo abaabusho kooxda dagaalka muddo dheer kula jirta nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya ee Al shabab.

Isbuucii hore ayay ahayd markii kooxda Al Shabaab ay si nabad ah u qabsadeen deegaanka Qalimow ee ku dhow Balcad, halkaasoo la sheegay in markii dambe duqayn xoogan oo ay ka fuliyeen ciidamada Mareykanka ku qabsatay.

Isla todobaadkii hore, weerar loo adeegsaday Miino ayaa lagu dilay Lix kamid ah Askarta dowladda Soomaaliya, halka afar kalena lagu dhaawacay, kaasoo ka dhacay inta udhaxeysa magaalooyinka Wanlwayne iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Gobolada Shabeelooyinka ayaa kamid ah meelaha ugu halista badan dalka Soomaaliya oo ay Al-Shabaab ka sameyso dhaqdhaqaqyo ay ku beegsanayaan ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM, iyagoo inta badan adeegsaday Qaraxyo, iyo weeraro toos ah.

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM