Kolonyo ka tirsan AMISOM oo degmada Marka qarax lagula eegtay

Image

May 10, 2015 (GO)- Ugu yaraan labo qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmey qarax maanta ka dhacay degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxa ayaa ka dhashay bam gacmeed lagu tuurey kolonyo ka tirsan gaadiidka gaashaaman ee ciidamada AMISOM xilli ay marayeen meel u dhow saldhigga booliska ee degmada.

Ciidamada la weeraray ayaa qaraxa kaddib furey rasaas socotey qaddar daqiiqado ah, inkastoo cidina wax ku noqon.

Booliska ayaa hawlgal muddo kooban socdey ka sameeyey halka qaraxu ka dhacay, waxayna gacanta kusoo dhigeen dhowr qof oo laga shekiyey kuwaasoo xilligan baaritaan lagu wado.

Mas'uuliyadda qaraxaas ilaa hadda cidi ma sheegan, balse Al-shabaab ayaa horey u sheegatey weerarro badan oo caynkan oo kale ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM