​Kolonyo katirsan ciidanka kenya oo lagu weeraray Gedo

Image

CEEL-WAAQ, Somalia- Ugu yaraan 2 Askari oo katirsan ciidamada Kenya, ayaa ku dhimatay, 4 kalena dhaawac ayaa kasoo gaarey Qarax maanta oo Arbaco ah ka dhacay deegaan ku dhaw degmada Ceel-Waaq, ee gobolka Gedo.

Ilo wareedyo ku sugan Ceel Waaq, ayaa u sheegay Warsidaha GO in Kolonyo ay wateen ciidamada Kenya, ee qeybta ka ah AMISOM weerar qarax ah lagula eegtay deegaanka Burta-Mangete.

Weerarka ayaa dhacay xili ay ciidamadan Sahay military u wadeen saldhigyadooda ku yaalla deegaanka Buzaar, oo ku dhaw xadka kala qeybiya wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in Qaraxa sidoo kale uga burburay mid kamid ah baabuurtii ay wateen, waxayna goobta ka qaateen askarta looga dhaawacey oo gaaraya ilaa 4 kuwaasi oo gudaha Kenya loo gudbiyay.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha ciidanka Kenya oo ku aadan weerarka ka dhacay duleedka degmada Ceel-Waaq, kaasi oo mas'uuliyadiisa sheegatay Kooxda Al shabaab.

Al shabaab ayaa inta badan weeraro jidgal ah iyo qaraxyo isugu jira kula eegta gobolka Gedo ciidamada ka socda dalka Kenya, ee ku jooga dalka magaca howlgalka Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaiya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM