​Koox burcad ah oo lagu qabtey Muqdishu

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ciidamada amaanka dowladda Federaalka, ayaa gacanta ku dhigay Koox burcad ah, oo dadka ku dhici jiray xilliga habeenkii xaafado ku yaalla degmada Yaaqshiid, ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud, ayaa sheegay in raggan burcada oo gaaraya saddex lasoo qabtey Howlgal ka dhacay xalay Xaafada Juungal, iyagoo dhac u gaysanaya shacabka.

Axmed ayaa tilmaamay in Raggan oo watey Mooto Bajaaj iyo qori AK-47 ah, mid kamid ah looga dhaawacay Israsaaseyn iyaga iyo ciidamada amaanka maamulka ku dhexmaray qeybo katirsan Juungal.

Wasiirka Amniga dowladda dowladda Maxamed Abuukar Islow [Ducaalle], iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa tagey Goobta lagu soo bandhigaayay qawlaysatada ah.

Wasiirka amniga ayaa bogaadiyay Ciidamada xasilinta Caasumadda howsha ay u hayaan shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay kordhiyaan, si loo soo celiyo amniga iyo kala dambeynta Muqdishu.

Ciidamada waxay baro-koontarool ka sameysteen duleedka magaalada, oo ay ku baaraan Gaadiidka ka yimaada gobollada ee ku socda Muqdishu, si looga hortago qaraxyada Al shabaab.

Waxay fashiliyeen ciidamada dhowr qarax todobaadyadii lasoo dhaafay, kuwaasi oo qaarkood lagu soo qariyay Gaadiidka xamuulka qaada, oo khudaar iyo dhuxul u waday Caasumadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM