Kooxda Al Shabaab oo haweenay ku dishay degmada Mahadaay

Image

MAHADAAY, Somalia- Rag katirsan Kooxda Al shabaab ayaa Haweenay ku dishay gudaha degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Haweenaydan oo lagu magacaabi jirey Sacdiyo Maxamed Maxamuud "Gaab" ayaa xalay saqdii dhexe lagu dhex-diley gurigeeda oo ku yaalla xaafadda Horseed, ee degmada Mahadaay.

Nin la dhashay Haweenayda la dilay ayaa u xaqiijiyay GO in Al shabaab ka dambaysa dilkan, inkastoo uu sheegay inaan la aqoon sababta loo qur-gooyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka qabay Sacdiya uu katirsanyahay ciidamada dowladda Somalia.

Dadka ku nool degmada Mahadaay ayaa sheegay in falkan uu yahay mid laga arga-gaxo, maadama ay tahay dhacdo ugub ku ah Mahadaay.

Saraakiisha Maamulka degmada ayaan wali ka hadal dilka naxdinta leh ee xalay loo geestay Sacdiyo Maxamed Maxamuud "Gaab", balse waxaa socda baaritaano ku aadan dilkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM