Kooxda Al shabaab oo weerar ku qaadey degaanka Mahadaay

Image

MAHADAAY, Somalia- Ugu yaraan 3 Qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen Weerar Al Shabaab ku qaadey deegaanka Biyo Cadde, oo ugu yaraan 20 km dhanka Koonfureed uga beegan degmada Mahadaay gobolka Shabeellada Dhexe.

Qof kamid ah dadka deegaanka, oo magaciisa amni ahaan u baahin karin, ayaa GO u sheegey dagaalyahanno hubaysan, oo katirsan kooxfa Al Shabaab weerareen Guri uu deganaa sarkaal ciidan. 

Weerarkaan ayaa kooxda Al Shabaab waxay ku dileen sarkaal ciidan , Wiil uu dhalay iyo Askari, waxaana ay ka qaateen Hubkoodii.

Biyo Cadde waxauu dhawaan gacanta u galay ciidamada dowlada Federaalka ah & AMISOM. 

"Al Sahabaab waxay weerartay xalay Guri uu  ka deganaa Sarkaal ka tirsanaa  ciismada Dowlada Soomaaliya, waxay dileen Saddex Qof, sarkaalka  iyo Wiilkiisa ku jireen, waxayna ka qaateen labo Qori oo AK-47 ah" ayuu yiri qof Deegaanka, ee la hadlay GO. 

Dhanka kale, Axmed Meyre Makaraan, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee dhinaca Siyaasada iyo Amniga, ee maamulka Gobolka Shabeellada Dhaxe, ayaa sheeegay in ciidmaada dowlada ay wadaan howlgalo ay ku baadi-goobayaan kuwa weerarka fuliyey. 

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda weerarka Deegaanka Biyo Cadde, kaasi oo ay ku tilmaameen mid qorsheysan oo saraakiil ay ku kharaaijiyeen. 

Deegaanada ku dhaw dwgmada Mahadaay, ayaa waxaa ka dhacayay maalmahaan danbe howlgalo ciidan  oo wadajir ah, kuwaasi oo Ciidamad Dowlada Somaliya.

GAROWEONLIN

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM