Kooxo hubeysan oo markab shidaal ku qabsaday Yemen, xilli burcad-badeeddu soo xoogeysanayso

Image

Lix nin oo hubeysan ayaa la wareegay markab shidaal sida oo marayey Gacanka Cadmeed, iyagoo markabka u jiheeyey dhinaca Soomaaliya, sida ay sheegtay hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO).

UKMTO ayaa Khamiistii sheegtay in markabka Seamull, oo sidoo kale loo yaqaan SIBU 1, uu diray farriin gurmad ah xilli uu ku sugnaa meel qiyaastii 136 mayl-badeed — 252 km — bari kaga beegan magaalada Al Mukalla ee Yemen.

Markabku wuxuu xilligaas u socday dhinaca galbeed ee Gacanka Cadmeed, waxaana lagu soo warramay in doon kooxaha burcadka saarnaayeen kusoo dhowaatey.

UKMTO ayaa markii dambe xaqiijisay in lix qof oo hubeysan ay fuuleen markabka, la wareegeen gacan-ku-hayntiisa, isla markaana ay hadda u jiheeyeen dhinaca Soomaaliya.

Hay’addu faahfaahin kama bixin xaaladda shaqaalaha markabka iyo in ay badqabaan, iyadoo sheegtay in hay’adaha ay khuseyso ay baarayaan dhacdada. Maraakiibta kale ee maraysa aagga ayaa loogu baaqay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan.

Markab horey cunaqabateyn loogu soo rogay

Seamull ma aha markab caadi ah oo ganacsi. Dowladda Mareykanka ayaa bishii Diseembar ee sannadkii hore cunaqabateyn saartay, iyadoo ku dartay maraakiib lagu eedeeyey inay qayb ka yihiin waxa Washington ugu yeerto maraakiibta qarsoodiga ah re Iiran “shadow fleet of  Iran."

Mareykanka ayaa markabka ku eedeeyey inuu ka qayb qaatay dhoofinta shidaalka Iran iyadoo la adeegsanayo habab lagu qariyo dhaqdhaqaaqa iyo halka uu shidaalku kasoo jeedo.

Seamull ayaa ka mid ah afar markab oo ay maamusho shirkad fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta, kuwaas oo lagu eedeeyey inay dhowr jeer qaadeen wax-soo-saarka batroolka Iran, isla markaana tageen dekedo Yemen ku yaalla oo ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib usoo xoogeysanaysa

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay mar kale kordhayaan weerarrada burcad-badeedda Soomaalida, kadib muddo ka badan toban sano oo falalka noocan ahi aad u yaraayeen.

Burcad-badeednimada xeebaha Soomaaliya ayaa heerkeedii ugu sarreeyey gaartay 2011, ka hor inta aan hawlgallo ciidan oo caalami ah iyo tallaabooyin amni oo ay qaadeen shirkadaha maraakiibtu si weyn u yareyn afduubka.

Hase yeeshee, tan iyo bishii Abriil ee sannadkan waxaa la arkayey koror cusub oo weerarrada iyo afduubyada maraakiibta ah.

Wararka la helayo waxay sheegayaan in shan markab oo xamuul ah hadda gacanta ugu jiraan kooxo afduubtay, waxaana ka mid ah markab shidaal oo bishii Luulyo lagu qabsaday meel qiyaastii 26 mayl-badeed u jirta xeebaha gobolka Hadramout ee Yemen.

Intii u dhexeysay 2005 iyo 2012, burcad-badeedda Soomaalida ayaa lala xiriiriyey in ka badan 1,000 weerar, iyadoo lacagihii madax-furashada lagu qiyaasay ku dhowaad $400 milyan.

Maxaa keenaya soo noqoshada khatarta?

Khubarada amniga badaha ayaa tilmaamaya in colaadaha ka socda Badda Cas iyo marin-biyoodka Hormuz ay cadaadis xooggan saareen ciidamada badda ee caalamiga ah.

Maraakiibta dagaalka ee markii hore awood badan ku bixin jiray ilaalinta marinnada ku dhow Soomaaliya ayaa hadda wajahaya hawlgallo badan oo isku mar socda.

Sidoo kale, isbeddellada ku yimid waddooyinka maraakiibta ganacsiga ayaa sababay in qaar ka mid ahi u soo dhowaadaan biyaha Soomaaliya, taas oo kooxaha burcad-badeedda siin karta fursado cusub.

Gacanka Cadmeed wuxuu ka mid yahay marinnada ganacsiga ugu muhiimsan dunida, isaga oo isku xira Badweynta Hindiya, Badda Cas iyo Kanaalka Suweys. Qiyaastii 12 ilaa 15 boqolkiiba ganacsiga caalamka marka qiime ahaan loo eego ayaa mara Kanaalka Suweys sannad kasta, halka ku dhowaad 30 boqolkiiba xamuulka konteenarrada duniduna uu maro marin-kan.

Dhacdadii Seamull ayaa sidaas darteed sii kordhinaysa walaaca laga qabo in burcad-badeednimada Soomaaliya ay mar kale noqoto khatar weyn oo saameysa mid ka mid ah halbowlayaasha ugu muhiimsan ganacsiga caalamka.

Dhanka kale, Yemen ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay dhisayso Guddiga Qaranka ee Amniga Badaha, kaas oo diiradda saari doona ilaalinta xeebaha, dekedaha, maraakiibta iyo marinnada Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab.

GAROWE ONLINE 

Related Articles