Ku darsiga Farmaajo oo wajahaya cambaareyn caalami ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Go'aanka halka dhinac ee Golaha Shacabka muddo kororsiga labada sano ah ugu sameeyay maamulka Farmaajo ayaa la kulmay cambaareyn iyo diidmo caalami ah.

Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ingiriiska oo soo saarey qoraalo kala duwan ayaa si xoogan u naqdiyey, waxaana ay ku tilmaameen mid khatar ku ah nabada, dimuqraadiyadda iyo xasiloonida dalka.

Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loogu laabto wadahadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka iyadoo aan dib loo dhigin laguna saleynayo heshiiskii Sebtember 17. Haddii taa la waayo, Midowga Yurub wuxuu tixgelin doonaa tallaabooyin dheeri ah oo la taaban karo," ayuu Midowga Yurub war qoraal ah oo uu soo saarey.

Wasaaradda arrimaha dibadda Britain ayaa qaadacdey muddo kororsiga labada sano ee maamulka Farmaajo. Qoraal ayay ku sheegtay in talaabadan aysan xal u ahayn khilaafka. Talaabooyin hal dhinac ah oo mustaqbalka la qaado ayay ka digtey.

Beesha Caalamka ayay carabka ku adkeysay in ay kala shaqeyn doonto "dib-u-qaabateynta xiriirka iyo kaalmada dabiiciga ee Soomaaliya haddii isbedel la imaan waayaan madaxda Soomaalida".

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in muddo kordhinta loo sameeyay maamulka Farmaalo ay Washington ku riixeyso in ay dib-u-qiimeyso xiriirada ay la leedahay Dowladda federaalka ah Soomaaliya oo ay ku jiraan cilaaqaadka diblumaasiyadeed iyo kaalmada.

Bayaankan uu arkay Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in Mareykanka uu adeegsan doono "dhamaan talaabooyinka macquulka ah" oo ay ku jirto cunaqabateyn iyo xayiraadyo dhanka socdaalka ah.

Antony Blinken, wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka oo bayaanka ku saxiixanaa, ayaa cod dheer wuxuu kusoo jeediyey in xalka kaliya uu yahay in wadahadaladda dib u bilowdaan

"Go'aanka lagu kordhiyey muddo xileedka dowladda federaalka wuxuu curyaaminayaa nabadda iyo xasiloonida. Waxaan ugu baaqeynaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowldaha xubnaha ka ah in ay dib-ugu-laabtaan wadaxaajoodyada iskuna raacaan qaab horey loogu socon karo," ayuu hoosta ka xariiqay.

Iyaddoo diidmadan caalamiga ah ay muuqato, Farmaajo ayaa qalinka ku duugay qaraarka muddo kororsiga iyaddoo uusan meelmarin Aqalka Sare. Wuxuu u muuqdaa mid raba in uu gorgortan ku galo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM