Ku dhawaad 50 qof oo Abaarta ku dishay Bakool, Galgaduud iyo Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Dad gaaraya 50 qof, oo u badan caruur iyo haween ahaa ayaa gaajo iyo nafaqo darri ugu geeriyooday todobaadkan qeybo katirsan gobollada Galgaduud, Bakool iyo gobolka Banaadir ee dalka Somalia, sida ay GO u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah. 

Galgaduud

Waxaa Garowe Online loo xaqiijiyay in 10 qof ay Gaajo iyo Naqo darri ugu dhinteen deegaanada Godinlabe, Sama-sandhaalle iyo Tuulooyin kala oo ku dhaw, halkaasi oo ay ka jirto abaar galaafato ah. 

Bakool; 

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Bakool ayaa sheegay in tiro dad ah oo gaaraya 23 ruux ay ku dhinteen labadii maalmood ee lasoo dhaafay deegaano hoostaga Xudur iyo Waajid, oo ay ku dhufatay abaarta baahsan ee ka jirta dalka Somalia. 

Gobolka Banaadir; 

Ugu yaraan 13 qof oo dhawaan kasoo cararay abaabrta ka taagan gobolada Shabeellooyinka, kuna noolaa degmada  Deyniile, gaar ahaan Xerada Seben-seben ayaa gaajo iyo macluul u dhimatay. Muslimo Ibraahim, oo ah hooyo dhashay 14 caruur ah ayaa sheegtay in 7 kamid ah Dhallaankeeda ay ka geeriyoodeen markii ay soo gaartay Xerada Barakacayaasha Seben-seben ee Deyniile.

Dad lagu qiyaasay 6.2 million oo qof oo u dhigmata 50% shacabka dalka Somalia ayay saamaysay abaarta, waxaana ay u baahan yihiin gurmad bini'aadanimo oo deg deg ah, kuwaasi oo qarka u saaran inay macluul u dhintaan.

Roobabka oo aan si wanaagsan u di'in mudo 3 sano ah, iyo Ilihii Biyaha ay dadka iyo duunyada ku tiirsanaayeen ee webiyada Shabelle iyo Jubba oo guray,  ayaa kordhisay xaaladda abaarta.

Shir arrimaha abaarta looga hadlayo oo ay ka qeybgalayaan Hay'ado gargaar, Deeqbiyaasha, saaxiibada Soomaaliya iyo ganacsato ayaa maanta ka furmay Muqdishu, kaasi oo uu shir-gudoominayo Madaxweyne Farmaajo.

QM ayaa sheegtay in haddii wax laga qaban waayo Xaaladda Somalia ay qarka u saaran tahay inay ka dilaacdo Macluul lamid ah tii 2011, ee ay ku dhinteen 260, 000 oo qof. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM

Mareykanka oo taageerada AUSSOM u joojinaya fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo horumar la’aanta amniga Soomaaliya

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Ergeda Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:25AM