Ku simaha Madaxweynaha oo Muqdisho kula kulmay Xildhibaanno katirsan KG

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ahna ku simaha Madaxweynaha, Maxamed Mursal ayaa xalay oo Arbaco ahayd kula kulmay Muqdisho Xilldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Sida uu xogta ku helayo warsidaha Garowe Online, Mursal iyo Mudanayaash ayaaa kawada hadlay arrimo ku xeeran doorashooyinka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo sida ugu wanaagsan oo ay u qabsoomi karto.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Sharci-dejiyaasha oo tiradoodu ka badan tahay 10 ay shalay yimaadeen caasimadda dalka, iyaga oo ah kuwa mucaaradka ku ah Madaxwaynaha KG ee uu waqtigu ka dhamaaday ee Shariif Xasan.

Kulanka Xilldhibaanada iyo Gudoomiyaha Aqalka Hoose ayaa imaanaya xili maalmo kahor Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ku metala Koonfur Galbeed ay ku eedeeyeen Villa Soomaaliya inay faragelin toos ah ku hayso doorashada maamulkan.

Doorashada oo loo madal-san yahay 17-da bisha dambe ee November ayaa murashaxiin u taagan waxaa kamid ah Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Cabdicasiis Lafta-Gareen iyo taliyihii hore ee NISA Xuseen Maxamed, oo la sheegay inay taageerayso dowladda Federaalka.

Shariif Xasan iyo Mukhtaar Roobow, ku xigeenka hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab ayaa kamid ah xubnaha doorashada KG ka qeybgalaysa, taasoo ka xamaasad badan kuwii hore, ayna ku hareeraysan tahay siyaasado iska soo horjeeda iyo faragelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM