MD Ku xigeenka Jubbaland oo ka hadlay go’aanka maamulada

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxwayne ku xigeenka 2aad ee Jubbaland, Cabdulqaadir Xaaji Maxamed ayaa soo dhaweeyay go’aamadii kasoo baxay shirkii Madasha Iskaashiga dowlad goboleedyadda xubinta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Go’aamadda ugu waa wayn ee kasoo baxay shirka waxaa qayb ka ahaa in dowlad goboleedyadda ay hakiyeen xiriirkii iyo wadashaqayntii kala dhaxaysay dowladda Federaalka, taasoo ay ka hor-yimaadeen ku xigeenka madaxda qaar.

Madaxwayne ku xigeenadda Galmudug iyo Puntland ayaa si isku ah uga soo horjeestay qodobadda kasoo baxay shirka Kismaayo, iyaga oo carabka ku dhuftay inaanan jirin cid awood u leh inay xiriirka ujarto dowladda dhexe.

Balse, Madaxwayne ku xigeenka labaad e Jubbaland ayaa garab istaag xoogan umuujiyay go’aamada hogaamiyaasha maamul goboleedyadda, isaga oo ku nuux-nuux saday inay tahay arrin ka dhalatay wadashaqayn xumo DF ka timid.

“Aniga ahaan, Madaxwayne ku xigeenka labaad ee Jubbaland waxaan qabaa inay ku saxan yihiin maamulada inay xiriirka ujaraan dowladda, sababtoo ah waxay timid xiriir xumo iyo masuuliyad ay iyadda marka hore muujisay,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa shaaca ka qaadaya in Madaxwayne ku xigeenka koowaad ee Galmudug, Maxamuud Sayid Aadan uusan ku raac-saneen hogaanka Jubbaland qodobadda shirkaasi kasoo baxay.

Talaabadaan ayaa imaanaysa xili dowladda ay isugu yeertay Hogaamiyaasha dowlad goboleedyadda Shirka Gollaha Amniga Qaranka, kaasoo loo balamay inuu Magaalo madaxda dalka ka dhoco bartamaha bishaan September.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM