Kulamada Gollaha Shacabka oo ku bilowday mooshin iyo banaanbax

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gollaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo yeelan lahaa maanta oo Sabti ah fadhigii koowaad ee kal-fadhiga 5aad ayaa wuxuu uga baaqday kooram la’aan, sida uu hogaanka golluhu shaaciyay.

Sidda uu qabo xeer-hoosaadka Gollaha, waxa uu furmayaa kulanka Gollaha marka ay soo xaadiraan in ka badan 130 mudane, balse waxaa maanta timid 116 sharcidejiye, taasoo keentay in uu dib u dhoco kulanka.

Xildhibaano ayaa ku eedeeyay wasiiradda xukuumada ka tirsan in ay ka dambeeyaan baaqashada fadhiga, iyaga oo ka duulaya in aanan ajendaha lagu darin amniga Muqdisho oo sii xumaanaya.

Hasayeeshee, wasiirada qaar ee ka tirsan Gollaha Fulinta oo madasha kula hadlay warbaahinta oo iska fogeeyey eedayntaasi ayaa tibaaxay in xubnaha maqan ay ku jiraan qaar aanan Gollaha Wasiirada kamid ahayn.

Sharcidejiyayaal tiradoodu gaareyso 17 ayaa u gudbiyay gudoonka Gollaha warqad cabasho iyo mooshin ah, taasoo ay ku dhaliilayaan gudoonka oo ay ku eedeeyeen xil gudasho la’aan.

Mudanayaasha arrintaan gedaal ka riixaya ayaa hoolka xarunta ku sameeyay dibad-bax, iyaga oo watay waraaqado ay ku qoran yihiin: "Gollaha Shacabka waa wakiiladii iyo codkii shacabka la xasuuqayo ma ahan Gole Sacab."

Tani ayaa ka dhigan in fadhigii koowaad ee Aqalka Hoose baarlamaanka Soomaaliya uu ku bilowday mooshin iyo banaanbax, iyadda oo la dhowrayo waxa ay noqon karaan kulamada soo aadan.

Maalinta Isniinta ah ayaa loo balansan yahay in uu qabsoomo kulanka labaad, kaasi oo si wayn isha loogu hayn doono maadaama durba ay soo ifbaxday olale xoogan oo ka dhan ah xukuumada oo ay xildhibaanada qaar wadaan.

Sharci-yaqaanada ayaa ka digay in ay sii socoto arrintaan maadaama kal-fadhigaan uu kamid yahay kuwa ugu muhiimsan ee Gollaha Shacabka, ayna horyaaliin shaqooyin ay kamid tahay ansixinta Sharciga Doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM