Kulamo siyaasadeed oo ka dhacay Villa Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya – Kulamo xasaasi ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku leh Madaxweynayaasha maamuladda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Madaxweyne Farmaajo kuwaas oo diirada lagu saarayo sidii xal looga gaari lahaa caqabadaha hortaagan in doorasho la wada ogol yahay ka dhacdo waddanka.
Cabdicasiis Laftagareen iyo Axmed Cabdi Kaariye ayaa maalintii shalay kulan albaabada u xiran yahay la galay taliyaha Nabad Sugida Fahad Yaasiin iyadoo wararka xusayaan in lagaga hadlay dhameynta is-qabqabsiyada taagan.
Qoor Qoor oo dib uga soo noqdey kulankii Heritage ku qabatey magaalada Garowe ayaa dabada ka riixaya in xal laga gaaro khilaafkaan isagoo qayb ka ahaa kulamo xarunta Puntland ku yeesheen madaxda Puntland, Jubaland, gudoonka labada aqal ee Barlamanada Soomaaliya iyo qaar ka tirsan musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweyne dalka Soomaaliya.
Shirarkaas gaar-gaarka ah ayaa lagu gorfeeyay qaabka xal loogu heli karo is-mari-waaga taagan iyo in si nabad ah looga gudbo mar-xalada kala guurka.
Madaxweynaha Galmudug oo culeys siyaasadeed ka saaran yahay inta badan musharaxiinta xilka Madaxweynaha u tartameysa oo ka soo jeeda maamul goboleedka xaruntiisu tahay magaalada Dhuusamareeb ayaa hadana siyaasad ahaan ka fogeyn Villa Soomaaliya.
Kulankii Heritage ku qabatey Garowe ayaa madaxda maamulada iyo musharaxiinta waxay la gaareen in Madaxweyne Qoor iyo RW ku xigeenka Dowlada Federaalka Mahadi Guuleed ayaa qabsadey in Sadex cisho gudaheed dib ugu soo ceshaan xal ka gaarista khilaafka taagan.
Warar madax-banaan ayaa tilmaamaya in Farmaajo uu ogolaadey wadahadal uu la galo arrinta gobolka Gedo. Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo wuxuu horey u diidanaa in uu miiska wada-xaajood la fariisto hogaanka Jubaland.
"Waxaa la isku fahmay in saddex kursi la kala badasho kahor doorashooyinka oo dib-u-heshiin ay u furi doonan labada dhinac," ayay sheegeen dad si dhow ula socday wadahadalka oo u warmay warsidaha Garowe Online.
Sidoo kale, Farmaajo ayaa diidan in shir dambe isugu yimaadaan madaxda maamulada Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka isagoo qorsheynaya in heshiis banaanka lagu gaaro, sidda ay sheegayaan dad isaga dhow.
Natiijo kasta oo kasoo baxda wadahadaladda haatan soconaya ayaa la rumeysan yahay in ay kala caddeyn doonan hadii Soomaaliya ay mar-xaladda kala guurka si nabad ah uga bixi doonto iyo in kale – maadaama muddo xileedka dowladda uu dhamaad yahay isla markaana aysan muuqan ifafaalo isu soo dhowaanshiyo ah.
GAROWE ONLINE